Ergiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Ambassador Augustine Mahinga ayaa maanta 10.11.2010 markii u horeysay socdaal ku yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud "Farole."
Kulanka labadaan mas'uul ayaa u badnaa arrimha Somalia iyo Puntland iyadoo shirku ahaa mid albaabadu u xirnaa oo aan saxaafada loo ogoleyn markii hore.
Madaxweynaha Puntland & Mahiga oo ku sugan qolka shirarka
Markii uu soo gabagabooyay kulankii Madaxweynaha uu la yeeshay u qabilsanaha Qaramada Midoobay Arimaha Somaliya ayaa qolka shirarka Madaxtoyada Garowe waxaa golaha Wasiirada warbixin ka siiyey qodobadii laga hadley Mud. Faroole iyadoo markii dambe saxafada la siieyey warbixin kooban.
Ugu dambeyn waxaa warfidiyeenka warbixin ka siiyey qodobadii kulanka labada dhinac Madaxweynha Puntland Mud.Cabdiraxman Farole oo sheegey in ay tahay markii u horeysay oo Ambassador Augustine Mahinga yimaado Puntland isagoo xusey in maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin imaanshaha uu soo booqday Puntland.
Mud. Faroole ayaa sheegey in ergiga isla soo qaadeen arimaha Somaliya iyo sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa.
Madaxweynaha ayaa intaas kadib shaaca ka qaaday in Augustine Mahinga uu qiray in Puntland tahay deegaan nabadeed layskuna halayn karo, waxa sidoo kale uu cadeeyay in Puntland wax wayn ka qabatay mushaakiladka ka jira Somaliya sida burcadbadedka, dagalkii dhawaan lagaga guulaysatay kooxdii uu hogaaminayey ninka la yiraahdo Atam kasoo ku dhuumaalaysanayay buuralayda Galgala.
Ambassador Mahinga ayaa sidoo kale qiray in Puntland ay si wayn u dhiiri galiso arimaha ganacsiga guud ahaana si wayn uga shaqaysay horumarinta amniga .
Dhinaca kale hadalka Madaxweynaha kadib ayay saxafadu su'alo waydiisay Mahinga, iyadoo su'aasha ugu haboonayd ahayd inuu ka warbixiyo safarka uu ku yimi Puntland ambassador Augustine Mahinga oo wajigiisa laga dareemi karay farxad ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad ugu farax sanyahay imaanshaha uu ku yimid Puntland, waxana uu carabka ku dhuftay in uu la kulmay madax oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Farole islana soo qaadeen qodobo muhiim ah, waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland u yimaadeen in ay makhraanti ka noqdaan horumarka ay ku talaabsatay dhan kasta oo ay ka mid tahay arimaha amniga iyo tan ganacsiga .
Ugu dambayntii Amb. Mahinga ayaa sheegey in Puntland ka furan donaan xafiiskii siyaasada ee guud ahaan Somalia kaas oo ay joogi doonaan shaqaale ajnabi ah.
Puntland ayaa waxa horey uga furnaa xafiis kooban iyadoo halkaas uu ku madax ka ahaa wakiil u dhashay dalka Somalia.
Ambassador Augustine Mahinga oo ah 65 sano jir ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee uu ku yimaado Somalia iyadoo horey garoonka diyaaradaha kula kulmey Madaxweynaha Somalia sheekh Shariif.
Garoweonline



