
go puntlandMadaxwaynaha Dawladda Puntland Md. Cabdiraxman Farole ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay inta badan Safiirada dalalka Yurub u fadhiya dalka Kenya.
Kulankaas oo ka dhacay xartuna ay magaalada Nairobi ku leedahay EU-du, ayaa waxaa isna goob joog ahaa safiirka Somaliya u fadhiya dalka Kenya Md. Maxamed Cabdi Afay.
Kulankaan oo aad loo lafa guray xaaladda Somaliya ayaa si wayn waxaa looga hadlay halka uu marayo khilaafka soo kala dhexgaley TFG-da iyo madmadowga soo kala dhex galay Puntland iyo TFG-da.
Dhamaan ka soo qaybgalayaashii shirka ayaa iyagu si buuxda isugu af-gartay waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa kulankan ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdulahi Axmed Jama (Ilko-jiir), wakiilka dawladda Puntland u fadhiya dalka Kenya Prof. Maxamed Xasan Bare (Shimbiro-laaye), iyo mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxwaynaha.
GAROWEONLINE



