
we hope also modern ships to fight back pirates not just trainingDufcad kamid ah Ciidanka Badda Puntland ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso iyagoo kusii jeeda dalka Jabuuti halkaas oo uu tababar uga furmi doono.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaacil oo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in Ciidankaas ay mudo 10-maalmood joogi doonaan magaalada Jabuuti isla markaana soo qaadan doonaan tababar la xirrira ilaalinta xeebaha.
Wuxuu sheegay in tababarka ay bixinayso Hay’ada lagu magacaabo IOM iyadoo uu tilmaamay tababarka kadib ay dib ugu soo laaban doonaan dalka ayna la dagaalami doonaan Burcadbadeeda iyo Tahriibta.
Wasiir kuxigeenka arimaha Amniga Puntland ayaa intaas ku daray in Ciidankaan markii ay soo noqdaan ay iyaguna tababari doonaan kuwa kale ee ku xaraysan Xerada Ciidanka Badda Puntland.
Cabdirisaaq Xareed Ismaacil ayaa xusay in ciidankaan ay xooga saari doonaan ka hortaga dadka tahriibeyaasha ee ka ambabaxa xeebaha Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari.
Waa markii u horeysay Cutub kamid ah Ciidanka Badda Puntland oo tababar uga furmo dalka dibadiisa.
Horseed Media



