Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Farmajo Sends A Heavy Delegation 2 Resolve Conflict In Mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Farmajo Sends A Heavy Delegation 2 Resolve Conflict In Mudug

Postby Somalian_Boqor » Thu Dec 09, 2010 7:36 pm

Gaalkacyo:Wafti kasocda DFKMG ah oo si diiran Gaalkacyo loogu soo dhaweeyey.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Maanta si diiranMagaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug loogu soo dhaweeyey Wafti ka socda Dawlada Federaalka ee Soomaaliya oo uu horkacayey Ra’iisul Wasaare xigeen Ahna Wasiirka Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ayna kamidyihiin Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga qaranka & ku dhawaad 10-Xildhibaan oo kasoo kalajeeda Puntland & Galmudug.

Waftigan ayaa soo dhaweyntooda ka qeybqaatay Maamulada ka kalakira Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland & Galmudug,waxaanaa ay imaanshahoodii kadib gaareen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ay kula kulmeen Madaxda Galmudug iyagoo dabadeedna soo gaaray dhanka Waqooyi ee Magaalada oo looga sameeyey Xarun ay dagaan inta ay gaalkacyo joogaan.

Waftigan ayaa ah kuwii ugu horeeyey ee Gobolada dalka u safra kuwaas oo kamid ah Golaha Xukuumada Cusub ee Soomaaliya,waxaana ay Waftigani Gaalkacyo u yimaadeen dejinta Colaad ka oogan Dhinacayada Waqooyiga & Koonfurta Gaalkacyo.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Farmajo Sends A Heavy Delegation 2 Resolve Conflict In M

Postby Somalian_Boqor » Thu Dec 09, 2010 7:38 pm

Image

Gaalkacyo:”Dadka Reer Gaalkacyo waa inay Hubka dhigaan kuna noqdaan Nabadii lagu yaqaanay”R/Wasaare Xigeenka Soomaaliya.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Ra’iisul Wasaare xigeenka Jamhuuriyada Soomaaliya islamarkaasna ah Wasiirka Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Prof,Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta isaga & Wafti balaaran oo uu horkacayo ay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Dadka reer Gaalkacyo ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka dhexdooda ah gaar ahaan Cirifyada Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo.

Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya oo caawa Warbaahinta Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo kula hadlayey ayaa sheegey in maanta ay qaateen kulamadii ugu horeeyey oo ku saabsan Dejinta Colaada Mudug,waxaana uu sheegey in ay ku baaqayaan Xabadjoojin Deg deg ah ayna dadka Gaalkacyo dhamaantood ugu yeerayaan inay Nabada qaataan.

“Waxaanu u nimidsidii aanu uga qeybqaadan lahayn Dejinta Colaada Gaalkacyo,taasna bilowgeedii Waanu bilownay,Waxaanu imika shacabka Gaalkacyo dhinac kasta oo ay kajoogaan ugu baaqaynaa inay Hubka Dhigaan ayna ku noqdaan Nabadii ay Caanka ku ahaayeen,Waxaanu amraynaa Xabad joojin deg deg ah”Ayuu yiri Prof,Cabdiweli Maxamed Cali.

Cabdiweli Maxamed Cali Wuxuu sheegey in ay Saacadaha soosocda Kulamo balaaran laqaadan doonaan Maamulada & Odayaasha gobolka Mudug dhinacyadiisa kaladuwan jooga,wuxuuna rajo balaaran ka muujiyey in ay ku guulaystaan Waan waanta Nabdeed ee ay gobolka u yimaadeen.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests