
Talaado, 21 December, 2010 (HOL) − Masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland, oo loo xil saaray faafinta dastuurka dhawaan la ansixiyay, ayaa wada qorshe lagu gaarsiinayo goobaha fog fog ee gobolka.
Kulan socon doona mudo sedex cisho ah oo looga doodayay faafinta dastuurka ayaa waxaa maanta lagu qabtay degmada Burtinle ,waxaana kulankaasi ka qayb galay aqoonyahano kala duwan oo dalka dibadiisa ka yimid.
"Waxaa dadkii ka qayb galay loo qaybiyay nuqulo ka mid ah dastuurka oo la gaarsiin doono meelo badan oo ka mid ah Puntland "ayuu yiri gudoomiyaha degmada Burtinle oo u waramay idaacada Horseed.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin howsha iminka socota,isla markaana waxa uu ugu baaqay dadka deegaankaasi in ay ka wax ka ogaadaan dastuurkooda.
Gudiga loo xilsaaray dastuurka ee ku sugan Burtinle ayaa lagu wadaa in ay gaaraan degmooyin badan oo Puntland ka mid ah ,isla markaana ay qaybiyaan nuqullo kamid ah dastuurka.
Dhinaca kale maamulka degmada Burtinle ayaa codsday in laga taageero abaaro aad u daran oo ku jira degmadaasi ,taasi oo saamaysay reer guuraagii ku noolaa howdka fog ee Nugaal.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boston@hiiraan.com
Boosaaso, Soomaaliya



