
good work our police manGaalkacyo: (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada Pooliska Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo saaray amaro lagu mamnuucayo gaadiidka muraayadaha madow, isagoo dhinaca kale faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamada Puntland saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen Magaaladaasi.
Taliyaha qeybta boliiska Maamulka Puntland ee gobolka Mudug Gaashaanle dhexe Aadan Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladda amaan ee Magaalada Gaalkacyo oo malamihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgalo ay sameynayeen ciidamada Puntland.
Waxaa uu tilmaamay in ciidamada Puntland ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan kooxo falal amaan dari ah ka waday xaafada waqooyiga Gaalkacyo, kuwaasi oo uu xusay inay haatan ku xiranyihiin Saldhiga waqooyiga Gaalkacyo.
Aadan Nuur oo ah Taliyaha qeybta Booliska Puntland ee Magaalada Gaalakcyo ayaa dhinaca sheegay in maanta wixii laga bilaabo gudaha Magaalada Gaalkacyo aan lagu dhex arki karin gawaarida leh muraayadaha madow cidii lagu arkana talaabo cad ay ka qaadi doonaan ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland.
Taliyaha qeybta boliiska Maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaa xusay in maalmaha soo aadan howlgalo ay sameyn doonaan ciidamada Puntland islamarkaana ay baaritaano ku sameyn doonaan gaadiidka muraayadahaasi ay ku xiranyihiin.



