Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dowladda Kenya Burcadbadeed Dejisay Garoonka Gaalkacyo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dowladda Kenya Burcadbadeed Dejisay Garoonka Gaalkacyo

Postby FBISOMALIA » Mon Dec 27, 2010 3:27 pm

Image
Gaalkacyo (RBC Radio):- Dhalinyaro burcad badeed ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhalinyaradani la sheegay in ay yihiin burcad badeeda ayaa tiro ahaan gaarayey 17 kuwaasi oo muddo hal sano iyo bar ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug ayaa dhalinyaradaasi ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaana u suurta gashay in dhalinyaradaasi ay u sameeyaan wacyigelin ku aadan in aysan mar dambe ku laaban arimaha burcad badeeda.

Dhalinyaradii burcadbadeeda ee la keenay

Diyaarada siday dhalinyarada burcad badeeda ah ayaa waxaa la socday Agaasimaha Ladagaalanka Burcadbadeeda Puntland C/risaaq Maxamed Dirir oo dhalinyaradaasi ku soo simay maamulka Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Col, Axmed Cali Salaad ayaa dhalinyarada kula hadlay gudaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna Gudoomiyuhu dhalinyarada ku soo dhoweeyay dalkoodii hooyo, isagoo kula dardaarmey in ay ka shaqeeyaan samaha dadka Soomaaliyeed, ayna ka tanaasulaan in ay dib ugu laabtaan arimaha burcad badeeda, wuxuuna ka codsadey dhalinyarada in kuwa haatan ku jira burcadbadeednimada ay ka wacyigaliyaan khatarta burcadbadeednimadu leedahay.

Agaasimaha Ladagaalanka Burcadbadeeda Puntland C/risaaq Maxamed Dirir ayaa dhiniciisa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dhalinyaro Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku xirneyd ay xoriyadooda dib u helaan, hase ahaatee uu codsanayo in dhalinyaradu aysan dib ugu laaban falkii lagu qabtey markii hore ee ahaa burcad badeednimada.

Agaasimaha Ladagaalanka Burcadbadeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir

Dirir ayaa intaa ku daray in uu dhalinyarada ka codsanayo in ay kala shaqeeyaan arimaha la dagaalanka burcad badeeda, ayna ka qeybqaataan hawlaha lagu wacyigelinayo dhalinyarada burcadbadeednimada ku jira, taasi oo ay wado hay’ada ladagaalanka burcadbadeeda ee Puntland.

Liibaan Siciid Axmed oo ka mid ahaa dhalinyaradii lagu eedeeyay in ay ahaayeen burcad badeeda ayaa la hadley warbaahinta wuxuuna sheegay in iyaga dhalinyarada ah aysan ahayn waxa lagu sheegay ee Burcadbadeeda, balse ay ahaayeen dhalinyaro kaluumaysato ah sida uu hadalka u dhigay, isagoo intaa ku daray in dhibaato xoogan lagu soo mariyey xabsiyada Kenya ee ay ku xirnaayeen, wuxuuna ka dhawaajiyey in sii deyntooda aysan gacan ka geysan Maamulka Puntland iyo dowladda FKMG Soomaaliya midkoodna.

Waa markii ugu horeysay ee dhalinyaro burcad badeednimo ku eedeysan laga soo dejiyo Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaana dhalinyaradani maanta laga soo dejiyey garoonka ay yihiin kuwa deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland.
some picture

Image

Image
Agaasimaha Ladagaalanka Burcadbadeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests