Page 1 of 1

Caasimada Puntland Oo Ay Ka Bilaabatay Mashruuca Horumarinta

Posted: Tue Jan 04, 2011 2:44 am
by FBISOMALIA
Garowe (RBC Radio):- Mashruuca horumarinta degmada Garowe ayaa ka bilowday gudaha magaaladaasi, mashaariicdaasi oo lagu dhisayo wadooyinka waaweyn ee dhexmara gudaha magaalada Garowe.

Duqa Degmada Garowe Mudane C/casii Nuur Xirsi ayaa sheegay in mashruuca horumarinta degmada uu yahay mid lagu dhisayo ilaa iyo shan wado oo dhexmara gudaha magaalada Garowe, wuxuuna Duqa degmadu si toos ah xariga uga jaray mashruucaasi.

Gudoomiyaha degmada Garowe Mudane C/casiis waxaa uu sheegay in mashruucani ay ka qeybqaadanayaan ilaa iyo shan hay’adood oo ay ku jirto Hay’ada Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.

Mashruucani lagu dhisayo isla markaana lagu dayactirayo wadooyinka magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa ka mid ah mashaariic loogu magacdarey horumarinta degmooyinka Puntland oo ay taageereyso Hay’ada UNDP iyo Hay’ado la shaqeeya kaasi oo laga fulinayo afarta degmo ee Boosaaso, Qardho, Garowe iyo Gaalkacyo.

Degmooyinka Puntland ee mashaariicdani lagu hormarinayo ayaa laga taageeray horumarinta meelo kala duwan, sida jidadka, garoomada diyaaradaha, isbartiibooyinka lagu ciyaaro, goobo caafimaad iyo waxyaabo kale oo bulshada muhiim u ah.

RBC Radio.

Re: Caasimada Puntland Oo Ay Ka Bilaabatay Mashruuca Horumar

Posted: Thu Jan 06, 2011 6:22 am
by jamols2

masha allah dadal bey kujiran i hope the oil comes soon :up: