Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Duqa Gaalkacyo Dhagaxdhigay Mashaariicda Horumarinta magalda

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Duqa Gaalkacyo Dhagaxdhigay Mashaariicda Horumarinta magalda

Postby FBISOMALIA » Sat Jan 08, 2011 2:11 pm

Image
Gaalkacyo (RBC Radio):- Duqa Degmada Gaalkacyo Mudana C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay mashaariicda horumarinta degmada Gaalkacyo ee ay taageerayso Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee UNDP.

Mashaariicda horumarinta degmada Gaalkacyo ayaa ah laba mashruuc oo lagu dhisayo wado dheer oo saddex km ah, taasi oo si toos ah u gasha Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale dayactir balaaran oo lagu sameynayo Garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud oo dhagax dhigayey mashaariicdaasi ayaa RBC Radio u sheegay in mashaariicdani ay yihiin kuwa horumarinta degmooyinka ee ay taageerto Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee UNDP.

Mudane C/raxmaan waxaa uu hadalkiisa ku daray in wadada Garoonka diyaaradaha gasha oo 3km ah la dhisayo, qandaraaska dhismaha wadadaasina ay qaadatay shirkada John Consturction Company, iyadoo dhinaca biyo dageenka Cirjiife uu Gudoomiyuhu sheegay in la marin doono buundo yar oo dhirir ahaan gaareysa 10m, balac ahaana gaareysa 6m, si biyaha galaya Cirjiife ay hoos uga maraan jidka loo dhisayo in uu galo Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Image
Duqa Gaalkacyo oo dhagaxdhigay wadada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo ladhisayo

Dhinaca kale Duqa Gaalkacyo waxaa uu dhagax dhigay mashruuca lagu dhisayo Garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium Gaalkacyo, waxaana qandaraaska lagu dhisayo garoonka qaatey shirkada Muumin Construction Company oo maantaba bilowday shaqada Garoonka, iyadoo shaqaalaha shirkadaasi ay guda galeen in dhagxaanta ay ka bixiyaan gudaha garoonka gaar ahaan halka ciyaartooydu kubada ku ciyaarto.

Image
Garoonka kubada cagta Gaalkacyo oo dayactir ku bilowday

Garoonka kubada cagta Gaalkacyo oo mudooyinkan dambe aan helin wax dayactir ah ayaa haatan dib u dayactir balaaran lagu sameynayaa, waxaana la dhisayaa derbiyada garoonka oo uu burbur ka muuqdo, ganjeelooyinka oo dayacan iyo halka lagu ciyaaro oo dhagaxda laga soo bixinayo.

Image
Wadada Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo lagu bilaabay dhisme

Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud ayaa sheegay in mashaariicdani ay xigi doonaan kuwa kale oo bulshada looga faa’ideynayo, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in Jaaliyada dibada ee gobolka Mudug iyo ganacsatadaba ay soo taageeraan mashaariicdani, maadaama sida Gudoomiyuhu sheegay in wadada aada Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo waxa laga dhisayo uusan ahayn laami haddana haddii ay gacan ka geystaan shacabka Gaalkacyo iyo Jaaliyada Dibada ay suurtagal noqon karto in laami laga dhiso.

Image
Mas'uuliyiinta degmada oo goobjoog ka ah dhismaha wadada garoonka diyaaradaha

Labadan mashruuc ayaa dhaqaalaha ku baxaya waxaa uu yahay lacag konton kun kor u dhaafeysa oo ku baxaysa wadada aada Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo iyo sidoo kale lacag sodon iyo dhowr kun ah oo lagu bixinayo dib u dayactirka garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium.

Image
RBC Radio.

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Duqa Gaalkacyo Dhagaxdhigay Mashaariicda Horumarinta mag

Postby FBISOMALIA » Sun Jan 09, 2011 7:55 am

Image



OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests