Page 1 of 1

Mashaariic Laga Fulinayo Qardho Iyo Deegaano Hoostaga

Posted: Thu Jan 13, 2011 8:10 am
by FBISOMALIA
Image
Guddoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Guul ayaa maanta dhagax dhigay 7-mashruuc oo la filayo in si rasmi ah looga fuliyo degmada Qardho iyo deegaano hoostaga magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Maxamed Siciid “Hogaama Laroor” oo la hadlaayey Horseed Media ayaa sheegay in 7-mashruuc ay kala yihiin:

* Dib u dhis lagu sameynayo suuqii hore ee dhawaan la dumiyey.
* Suuq dhar oo laga dhisayo degmada Qardho.
* Suuq cusub oo laga dhisayo Xaafada Wadajir ee magaalada Qardho.
* Dib u habeyn lagu sameynayo mid kamid ah waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Qardho.
* Mashruucyo laga fulinaayo deegaanada Libow iyo Dhaxan ee magaalada Qardho.
* Dib u habayn lagu sameynaayo Xabsiga magaalada Qardho oo 85-sano jirsaday.
* 50-geed oo hor leh laguna beerayo dhinacyada wadada laamiga ah ee magaalada Qardho.

Wuxuu intaasi ku daray in mashruucyadaasi ay ku baxayso dhaqaale kor u dhaafaya 100,000 oo doolar isla markaasina uu qayb ka yahay mashruucyada laga fulinaayo deegaanada Puntland.

Waxaa sheegid muddan in dhiraynta magaalada Qardho ay gacan ka geysanayaan dhalinyarada magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Si kastaba ha ahaatee arrimahaan ayaa waxay kusoo beegmayaan xili mashruucyo kuwaan dhigooda ah laga bilaabay degmooyinka waaweyn ee Puntland.