Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Cismaan Cabdullahi Maxamuud (Diyaana) AUN

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Cismaan Cabdullahi Maxamuud (Diyaana) AUN

Postby damu » Thu Jan 13, 2011 9:59 am

Image
Cismaan Cabdullahi Maxamuud (Diyaana) wuxuu 11 janaayo ku Geeriyoodey magaalada Nairobi- e dalka Kenya , Geeridu waa xaq, nin kastoo noolna maalin baa qabriga loo sii walwaali doonaa. Intaas ka dib, waxaa la isweydiin karaa nin caynkee ah buu ahaa Cismaan Cabdullahi. Inkastoonan is-arag waayahaan dambe waxaan aqaanna Cismaan Cabdullahi muddo soddon sano kor u dhaaftay.

Cismaan waxaan kula kulmay Wardheer dhammaadkii 1978, waxaana ka wada tirsanayn ururkii mucaaradka hubaysnaa ee SSDF. Cismaan wuxuu ururka kaga soo biiray Kenya, meeshaas oo uu muddo dheer ku noolaa, meeshaan anna uga soo biiray Somalia-muqdisho. Cismaan wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii ka huleeshay Somaliya 70aadkii ayagoo waxbarasho ku jira. Dabcan waxaa Cismaan ku koray Muqdisho asaga oo ka soo jeeda qoys Somalidii wagaas wada garanayso – reer Maxmuud Cadde. Waxaa adeer u ahaa Cismaan Maxamuud Cadde, oo ah Diyaana adeerkiis loogu magagac daray – Minister of Commerce – lixdamaadkii.

Cismaan Cabdullahi wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah ee aad u firfircoon, si sahlanna ugu hadla luuqado dhowra sida Somaliga iyo sawaaxiliga. Durbaba wuxuu Cismaan bartay afka Amxaariga. Wuxuu ahaa nin aan qaloon oo qofkii ay isbartaanba u muuqda inay weligood is-yaqaanneen. Wuxuu ka tirsanaa koox dhalinyaro ah ee reer East-Africa ah ee badiyaa wada socon jiray lana baxday Gananoow. Waa eray Amxaari ah macnihiisuna yahay, waa weli. Markaas wuxuu iila ekaa 20 jir.

SSDF waxay Cismaan u tababartay qoriga loo yaqaan hoobiyaha (Portable Mortar) oo markaas ahaa hub aad muhim u ahaa jabhadda oo hub fudud ku diriri jirtay. Isla markiiba waxaa Cismaan qabsaday kooxdii hoobiyaha ee 1979-1981 fadhigeedu ahaa Walwaal. Waxaa kooxdaas macallin u ahaa Ex-Captain (60aadkii) Maxamed Axmed Indhayare oo loo yaqaan Cabdifitaax oo hadda ku nool Gaalkacyo. Muddo ka dib waxaa Cismaan dhex qaaday silsiladda taliska ciidanka SSDF waxaana loo tababaray Sarkaal hawlgelineed, hawshaas oo uu ka soo dhalaalay. Cusmaan wuxuu intii muddo ah gacan yare u ahaa madaxdii dagaalgenlinta ee SSDF sida Col. Cabdullahi Maxamed Xasasan-Gardheere (AHUN) iyo Captain Abdirisaaq Cumar Xaaji -Seef (AHUN).

Masuuliyadda ka sokow Cismaan wuxuu ahaa nin caan ka ah bulshada dhexdeeda. Waxaan ka xasuustaa, wuxuu cismaan ahaa nimaan xanaaqin geesina ah. Wuxuu ahaa nin qurxaan ah oo timo jilicsan ee dheer leh, sidaas awgeed, waxaan xasuustaa asagoo loogu yeero Amina Cabdullahi, kuna jawaaba “hee”. Lama yaabin markaan maqlay waxaa Puntland looga bixiyey Diana. Waxaan u qaatay inay ugu beddeleen Amina Cabdullahidaa loogu yeeri jiray.

Muddaan dambe waxaan Cismaan ku arkay mar mise labo jeer Puntland. Waxaad mooddaa inuu xoogaa qayirmay ayna taabatay da’du – inkastoo uu markaas ku jiray sano 40aad. Sida kale Cismaan waxba iskama beddelin, kaftanka, bulsho-nimada iyo habdhqankiisa kale. Runtii wakhti badan isuma anaan helin ee dib isaga waraysano waayo-waayo, waxaanse ka ogaaday inuu leeyahay darsin carruura. Maasha’allah baan ku iri, Cismaan waan kugu ogaa rag karoonimadaa.

Puntland waxaa Cismaan mar madax ka noqday dekedda Bosaaso. ah.Markii Cabdullahi Yusuf Madaxweynaha ka ahaa Puntland waxaa Cismaan loo dhiibay laanta nabadsugida ee Puntland loona yaqaan PIS.

PIS Waxay kharaj fara badan ka heli jirtay dibedda. Waxaan dhawaan ku arkay Puntland 6-7 gaari ee Cabdi-Bille ah eek u socda xawaare sare ayna ka buuxaan ciidan qaba dareys military, shirka gawaarida dhexena ay ku jiraan rag caddaan ah – waxaa la igu yiri waa PIS, caddaankuna waa Amerikaan, Marka Mareykanka ayaa gacan weyn ku lahaa maalgalinta PIS-ta.

Cismaan iyo PIS waxay Puntland ka noqdeen xaar mas. Waxaa madaxda PIS lagu ilaalin jiray ciidan aan caadi ahayn, sidoo kale xarunta PIS dhowr kilometer looma soo dhaafi karo. PIS iyo Cismaan waxay Puntland ka noqdeen dad markasta afka lagu hayo. Markii Madaxweyne Faroole xukunka qabtay wuxuu damcay inuu Cismaan ka beddelo PIS. Arrintaas waa adkaatay bilowgii waayo Cismaan wuxuu ahaa nin ay dadka ay isbartaan (rag iyo dumar) aysan sahal ku kala dhammaan. Wuxuu ahaa nin fir-fircoon, hawl kar ah, fahmi og waxa laga hadlayo, tamar badan; ajnabigana sahal u qanciya kuna dhex milma.

Bacdal wakhti Faroole waa ku guulaystay inuu Cismaan PIS ka wareejiyo xilka. Waxaanse xuuraamay in dalalkii dibeddu Cusmaan shaqo uga dhiibteen dalalka Somaliya deriska la ah, gaar ahaa Jabuuti, ee ku hawlan argagixiso la dirirka. Isku dhawaanshaha Cismaan iyo sirdoonka Maraykanka waxaad ka garan kartaa mar Cismaan shil baabuur oo xun uu galay waxaa diyaarad loogu qaaday USA si loo soo daaweeyo.

Nasiib darro Cismaan waxaa helay cudur ugu dambayntii ku soo koobay sariir, magaalada Nairobi. Waxaanse leeyahay eebbe ayaa Cusmaan Cabdullahi oofsaday – kulli nafsi dhaa’qatu mawt. Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajacuun. Cismaan alle ha kuu naxariisto baan anigu leeyahay.

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Cismaan Cabdullahi Maxamuud (Diyaana) AUN

Postby FBISOMALIA » Thu Jan 13, 2011 10:02 am

sxb i write the topic before ...!!!!

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Cismaan Cabdullahi Maxamuud (Diyaana) AUN

Postby damu » Thu Jan 13, 2011 10:06 am

^^this a little of his taarikh noleed bro

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Cismaan Cabdullahi Maxamuud (Diyaana) AUN

Postby FBISOMALIA » Thu Jan 13, 2011 10:10 am

^^this a little of his taarikh noleed bro
ok then :som: :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests