Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay wafti sare oo kasocda Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland ayna la socdaan qaarkamid ah odayaasha & Waxgaradka ku dhaqan gobolkaasi ay kusugnaayeen Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland halkaas oo ay kulamo kaladuwan oo ku saabsan abaarta ba’an ee gobolkaas kajirta & heerka ay marayso ay u gudbiyeen madaxda dawlada Puntland gaar ahaana gudiga sare ee qiimeynta Abaaraha dalka.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee dawlada Puntland Maxamuud Siciid Nuur (Dabeyl) oo waftigan horkacaya ayaa APL u sheegey in ay deegaano kamid ah gobolkaasi ay kajiraan dhibaatooyin culus oo dhanka Abaaraha ah kuwaas oo ay ugu horeyso biyo yari laga dareemayo deegaanada qaarkood oo uu sheegey in sanadihii tageyba ay ku yaraayeen roobabkii caadiga ah ee uu gobolkaasi caanka ku ahaa.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegey in kasokow roob yarida ay dhibaatooyinka ugu waaweyn ay yihiin ceelashii ay isticmaali jireen intabadan degmooyinka gobolkaas oo uu sheegey in ay intooda badani halaysanyihiin islamarkaasna hadii aanan dadkaas waxbadan loo qaban ay khatar galayso jiritaanka dadka & doonyada halkaas ku dhaqan.
Dhinaca kale wuxuu Maxamuud Siciid Nuur (Dabeyl) baaq ku saabsan xaalka gobolkaas kasoo saaray magaalada Garoowe,waxaana uu baaqaas u diray dawlada dhexe ee Puntland & hay’adaha caalamiga ah oo uu sheegey in ay abaartu gaartay meel xun islamarkaasna ay khatar geli karaan faa’iidooyinkii beeraha oo uu gobolka Sanaag hodan ku yahay.



