Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wafti kasocda Puntland oo Gaalkacyo u yimid

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafti kasocda Puntland oo Gaalkacyo u yimid

Postby FBISOMALIA » Fri Jan 14, 2011 4:52 am

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug soo gaaray wafti kasocda dawlada Puntland ee soomaaliyeed kuwaas oo isugujira Wasiiro,xildhibaano,saraakiil dawladeed & xubno kamid ah maamulka gobolka & kan degmada Gaalkacyo,waxaana ay waftigani ay magaalada Gaalkacyo u yimaadeen xalinta khilaaf ka taagan dhismo ay qaarkamid ah shacabka Gaalkacyo halkaas si sharci daro ah uga bilaabeen.

Waftigan oo uu horkacayo Wasiirka wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka Mudane,Cabdixakiim Axmed Guuleed ayaa waxaa sidoo kale kamid ah duqa magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa caasimada Puntland halkaas oo uu dawlada dhexe uga warbixinayey heerka ay marayso xaaladani.

Saraakiishan kasocota dawlada Puntland ee soomaaliyeed waxay maanta kulankoodii ugu horeeyey oo ah mid balaaran ay imika la leeyihiin qaarkamid ah Odayaasha magaalada Gaalkacyo gaar ahaana midkamid ah beelaha gobolka dega gobolka Mudug oo lagala tashanayo xaalada Xerada dayax oo cabsi badan beertay.

Qaarkamid ah xubnaha Waftigan oo ay APL xiriiro kaladuwan la samaysay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan imaanshahooda magaalada Gaalkacyo & kulamada ay imika wadaan,waxaana ay ku gaabsadeen inay saraakiisha dawlada & odayaasha gobolka arki doonaan islamarkaasna ay kulamadooda kadib warbaahinta usoo bandhigi doonaan qorshaha dawlada ee ku aadan xero Dayax.

Waftigani waxay Gaalkacyo imaanayaan xili todobaadkii hore xerada Dayax ee magaalada Gaalkacyo uu ka bilowday boob xoogan islamarkaasna la dhisay qeybo banaan oo kamid ahaa xeradaas oo ay dhisteen dad shacab ah taas oo Maamulka gobolka Mudug uu kan degmada Gaalkacyo ku amray in si deg deg ah wax looga qabto balse xubnaha maamulka Degmada Gaalkacyo ay sheegeen inay ka fakari doonaan xalka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xerada dayax.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests