
Gobolka Gobolka Cayn Oo Kawaramay Deegaanada Ay kala Wareegeen Maleeshiyaadka Somaliland.
Buuhoodle(Puntlandi.com);- Masuuliyiinta Dawlada Puntland ee Gobolka Cayn ayaa sheegay in ay lawareegeen deegaano dhawaan ay cagta soo galiyeen ciidmo ka amarqaata mamulka labaxay somaliland.
Kayse Cabdi Yuusuf oo ah Godomiyihi hore ee Gobolka cayn ayaa sheegay in ciidamada Dawlada Puntland oo garabsanaya shacabka Gobolada SSC ay lawareegeen deegaanada Hagoogane iyo Widh-Widh oo masaafooyin ujira degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.
Kayse ayaa intaa raaciyay in ay kuwajahanyihiin deegaano kale oo horle kuwaa oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka hogaamiye Siilayo guud ahaan degmooyinka Gobolka ay gacantooda ku soo celinyaan.
Ciidamada Dawlada Puntland ayaa lawareegay dhulkaa iyadoo wax dhiiga uu san daadan ama dagaal’dhicin waxaana deegaanada baneeyay markii ay war ku maqleen in ciidamada Dawlada Puntland soo wajahanyihiin maleeshiyaadkii fariisinka kulahaa.
Mulka Gobolka Cayn ayaa maalmihii udanbeeyay la soo baxay dar-dar xoogle oo ay kaga soo horjeedaan dhul balaarsiga mamulka Siilaayo waxaan guud ahaan Gobolka Cayn ka socda abaabul xoogan.



