Maamul Cusub oo Loo Sameeyey Degmada Bandar Bayla ee Gobolka Karkaar
Wasaaradda arimaha gudaha ee Dawladda Puntland ayaa maamul cusub u sameysay degmada Bandar Bayla ee gobolka Karkaar.
Masuuliyin ka tirsan Wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa gaarey degmadaas maalmihi lasoo dhaafay kuwaas oo ku guuleystay in ay maamul cusub u sameeyaan.
Gudoomiyaha cusub ee degmada Bandar Bayla ayaa loo doortay Siciid Aadan Cali iyadoo jagada Gudoomiye kuxigeenka uu ku guuleystay Axmed Yuusuf Mire.
Maamulka cusub ee loo doortay degmada Bandar Bayla ayaa si toos ah ula wareegay xilkooda iyadoo looga fadhiyo in ay la yimaadan waxqabad.
Horseed Media