Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

shiirka reer cali Saleebaan in carmo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

shiirka reer cali Saleebaan in carmo

Postby FBISOMALIA » Mon Jan 17, 2011 4:01 pm

Image
Siyaasiyinta iyo Waxgaradka Beesha Cali Saleebaan oo Bayaan Kasoo Saaray Shir ay Yeesheen

Beelaha Cali Saleebaan ayaa maalmihi lasoo dhaafay kulan ku lahaa xarunta akadeemiyada degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana uu ku saabsanaa amaanka guud,hormarinta arimaha bulshada iyo waxyaabo kale.

Kulanka ayaa lasoo gaba gabeeyey maanta,waxaana kasoo qaybgalay Siyaasiyin,Waxgarad,Haween,Aqoonyahano iyo dhalinyaro iyadoo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen qurbajoog.

Masuuliyinta kasoo qaybgashay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire,Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland,Wasiir kuxigeenka howlaha guud Cabdishakuur Mire Aadan,Siyaasi Muxiyadiin Cali Yuusuf iyo madax kale.

Kulanka ayaa kadib waxaa saxaafada u akhriyey qodobada kasoo baxay Maciin Jaamac Cali,waxaana qodobada ay ahaayeen;

* In si wadajir ah looga howlgalo sugida amniga guud ee Puntland gaar ahaan degaanada Beelaha Cali Saleebaan iyadoo si gaar ah loola dagaalamayo Burcadbadeeda iyo tahriibta
* In ay taageerayaan qorsheyaasha siyaasadeed,amni iyo dhaqaale ee ay Dawladdu ku fulinayso hadafka iyo hindisayaasha loo idmaday
* Waxay Beeluhu soo jeedinayaan in dawladda iyo ganacsatadu si wadajir ah uga qayb qaataan sidii ganacsiga xorta ah loo horumarin lahaa loona casriyeyn lahaa si uu ganacsiga Puntland ula jaanqaado tartanka dhaqaale ee ka jira mandiqadda geeska Afrika.waxay sidoo kale beeluhu ganacsatada ugu baaqayaan in ay ka qayb qaataan horumarka dalka iyo masiibooyinka dabiiciga ah
* Waxay Beelaha si cad u bayaaninayaan inay diyaar u yihin xalinta khilaafaadka ka dhaxeeya iyaga iyo beelaha kale ee ay deriska yihiin.waxay doonayaan inay si nabad iyo walaaltinimo ah uga xaq baxaan dhamaan waxyaalaha lagu leeyahay ee dhiiga iyo gashiga ah isla markaana ay beelaha deriska la ah ka helaan waxay iyagu ku leeyihiin ee ah dhiiga iyo gashiga
* Waxay Beeluhu soo dhoweynayaan go’aankii Dawladda Puntland gaadhey ee kalsoonida kagala noqotay Dawladda Federaalka ilaa laga xalinaayo khilaafka Puntland iyo TFG,lagana helaayo dawlad loo dhan yahay oo cadaalad ku dhisan
* Shirku wuxuu dawladda Puntland iyo Hay’adaha caalamiga ah ugu baaqaya in degaanada Puntland ee abaaraha iyo biya la’aantu saameysay si deg deg ah loo caawiyo

Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Xudeyfi)

Horseed Media

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: shiirka reer cali Saleebaan in carmo

Postby FBISOMALIA » Mon Jan 17, 2011 4:03 pm

some pictures

Image

Image

Image


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests