
Wasaarada Warfaafinta Puntland oo la shirtey dhamaan Xarumaha warbaahinta ee ka howlgala Puntland
Garowe(Puntlandi.com) Hoolka shirarka ee Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa waxaa maanta ka dhacey kulan dhexmarey Wasarada iyo Agaasimayayaasha Xarumaha Warbaahinta ee ka howlgala Puntland, Kulankaan ayaa looga hadlayey Xiriirka ka dhexeeya Warbaahinta iyo Dowlada iyo sidii loosii xoojinlahaa sarena loogu qaadi lahaa xuquuqda warfidiyeenka Puntland.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Faarax (Aswad) oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa sheegey sida lama huraanka ay u tahey wada shaqeynta Dowlada iyo saxaafada iyo waliba saxaafada dhexdooda, “ujeedada shirku waa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warfaafineed ee Puntland, waa inaad ka shaqeysaan sidii aad uga qayb qaadan laheydeen horumarinta dalka waana inaad ka fogaataan wixii taas wax u dhimaya” ayii yiri Wasiir kuxigeenku.



