after mudug and nugaal and karkar now bari tomorrow bari sanaag&sool&cayn turnWasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo Dawladda hoose ee Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa wareegto usoo saarey ku sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo dhamaystiro golaha degaanka degmada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari kahor inta uusan dhamaan bishaan Janaayo.
Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf oo maanta la hadlay saxaafada ayaa bulshada ku nool gobolka Bari ugu baaqay in si degdeg ah ay usoo dhamaystiraan xubnaha ka dhiman golaha deegaanka degmada Bossaso,waxaana uu xusay in ololaha loogu jiro dhamaystirka golaha deegaanka Bossaso ay dadweynaha gacan ka siin doonaan saraakiil ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha iyo maamulka gobolka.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in Wasiirka arimaha gudaha Puntland uu kulan ku aadan dhismaha golaha deegaanka uu kula qaadan doono qaybaha bulshada magaalada Bosaaso gaba gabada bisha Janaayo.
Si kastaba ha ahaatee 25.02.2010 ayay ahayd markii Madaxweynaha Puntland Dr.Farole uu kala diray golaha deegaanka ee degmada Bosaaso isla markaasina si ku meel gaara uu Guddoomiyaha degmada ugu magacaabay Maxamuud Faarax Beeldaaje.
Horseed Media



