

Nayroobi(Puntlandi.com);- Wasiirka waxbarashada Dawlada Puntland Cabdi Faarax (Juxa) ayaa kulan balaaran magaalada Nayroobi kula qaatay wasiir ka socday Dawlada Denmark iyo Saraakiil katirsan EU & UN.
Kulan oo ahaa mid aad ubaaxad wayn ayaa Dawlada Puntland heshay casumaad rasmiya, waxaana lagu gorfaynayay xaalada Somaliya hormarka ay gaartay Dawlada Puntland iyo ladagaalanka Burcad’badeeda.
Dawlada Denmark waxaa kulanka umatalayay oo goobjoog ahaa wasiirada arimaha dibada Lene Espersen iyo madaxkale waxaana halkaa ay ka soo jeediyeen hadalo ay amaan iyo bogaadin ugu jeediyeen xukuumada Puntland iyo hormarka ay ku talaabsatay.
Kulanka ayaa aad loogu gorfeeyay xaalada Somaliya wadada la abaarayo xiligi gabagabadaa ee ka haray Dawlada Shariif marka uu dhamaado iyo sida ugu haboon ee looga guulaysan karo kooxaha Burcad’badeed waxaana khudbad muhiimada laga dhagaystay wasiirka waxbarashada Dawlada Puntland Cabdi Faarax Juxa .
Wasiirka ayaa sheegay in Dawlada Puntland oo aan haysan taageerada beesha caalamka ay dagaal xoogan lagashay kooxaha Burcad’badeeda haatana gabagagbo uumarayo dagaalkaa deegaanada haray ee Garacad kamidtaha Dawlada qorshayaal kadagsatay.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday is afgarad waxaana lagu balamay in wada shaqayn joogtaa yeeshaan Dawlada Puntland iyo wadamadii kulamada laqaatay.



