Guddoomiyaha Gobolka Bari oo Ku Dhawaaqay in Maalinta Isniinta ay tahay Maalin roobdoon ah
Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa ku dhawaaqay in maalinta isniinta ee soo socota ay tahay maalin roobdoon ah.
Shir Jiraa’id uu ku qabtay magaalada Bosaaso ayuu ugu baaqay dhamaan bulshada kunool gobolka gaar ahaan kuwa reer Bosaaso in ay sameeyaan banaanbax roobdoon ah oo ay Alle ka baryayaayan inuu ka dulqaado abaarta.
Guddoomiyaha ayaa fariin u direy dadka Culimaa’udinka,ganacsatada iyo Waxgaradka in ay siweyn uga qayb qaatan banaanbaxaas isla markaana la xiro maalintaas goobaha ganacsiga iyo kuwa kale.
Sheikh Cabdixaafid ayaa intaas ku daray in dhamaan dadka wax haysta loo baahan yahay in ay u gurmadaan walaalahooda kale ee ay saameyeen abaaraha.
Degaano badan oo ka tirsan gobolka Bari ayaa waxaa ka jira abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.
Maxamuud Cabdi Ibraahim
Horseed Media



