Page 1 of 1

Puntland oo bilaabaysa howlgal culus

Posted: Sun Jan 30, 2011 4:12 pm
by FBISOMALIA
Garoowe:(Allpuntland)-Taliska guud ee ciidanka ilaalada wadooyinka deegaanada Puntland ayaa sheegey in ay qorsheynayaan howlgal safbalaaran ah oo laga sameynayo guud ahaanba deegaanada Puntland kaas oo ay ciidanku ku bilaabayaan joojinta wadayaasha gaadiidka ee aanan wadan shahaadada aqoonsiga darawalnimada ee au dawladu bixiso,isagoo talisku intaas kudaray in ay talaabo cad ka qaadi doonaan cidkasta oo aanan haysan Leysinka gawaarida.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Puntland ayaa isagoo warbaahinta kula hadlay caasimada dawlada Puntland ee Garoowe sheegey in ay howlgalkan sida ugu dhakhsiyaha badan uga bilaabi doonaan guud ahaanba gobolada,degmooyinka,Tuulooyinka & deegaanada kaladuwan ee Puntland,waxaana uu sheegey in ay Ciidankiisu imika diyaar u yihiin inay deegaanada Puntland ka hirgaliyaan shahaadada aqoonsiga ee darawalada kusugan deegaanada Puntland kuwaas oo uu sheegey inay arkeen in baahi badan loo qabo islamarkaasna ay shilalku kusoo badanayaan magaalooyinka & meelaha kala ee deegaanada Puntland.

Taliska ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Puntland wuxuu sidoo kale baaq culus udiray wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee PL-ka loo yaqaana kuwaas oo ka shaqeeya magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo uu sheegey inay intoodabadan watayaan dhalinyaro aanan qaadi Karin mas’uuliyada dadka ay wadaan aana ilaalin shuruucda wado marista ee Puntland ku dhigan,waxaana uu talisku uu dhawaan bilaabi doono Qorshayaal ka dhan ah gaadiidka dadweynaha qaada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

Re: Puntland oo bilaabaysa howlgal culus

Posted: Sun Jan 30, 2011 6:28 pm
by udun
Good stuff :up: :up: