Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland watching in beesha karaash meeting in tukaraq

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Puntland watching in beesha karaash meeting in tukaraq

Postby FBISOMALIA » Fri Feb 04, 2011 6:53 am

Image
ex puntland wasir for airports and air
GAROOWE : Maxaa laga filikaraa Karaash iyo shirka Tukaraq?

Garoowe:-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane, Axmed Cilmi Karaash iyo beeshiisa ayaa la sheegay in ay kulan ballaaran ku leeyihiin deegaanka Tukaraq halkaas oo iminka kala barta maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana halkaasi ku sugan ciidamo iyo hub badan oo beeshu leedahay, waxaana wararku sheegayaan in ay waxyaalo badan oo soo kordhay oo ay ka mid tahay xil ka qaadista Karash, hubka iyo ciidanka ay ka arinsan doonaan.

Karaash, oo dhawaan lagu daray koox Wasiiro ah oo xilka laga qaaday ayaa waxay ku noqotay wax lama filaan ah maadaama uu ka mid ahaa Wasiirada kalsoonida wayn ka haysta M.wayne Faroole, islamarkaasna si wayn u dhaqaajiyay hawlaha iyo waajibaadka Wasaaradiisa.

Karaash, ayaa la sheegay in ay is khilaafeen M.kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Wasiirkuxigeen awood badan ku leh maamulka Faroole oo lagu magacaabo Cabdi Qawdhan, waxaana la sheegay in ay isku khilaafeen Karaash iyo masuuliyiinta ka hadalka iyo cidda ka masuulka ah ciidamada Tukaraq iyo maqnaanshaha Laascaanood.

Beesha uu ka soo jeedo Karaash shirka uga socda deegaanka Tukaraq ayaa waxa uu yahay mid ahmiyad wayn leh oo Puntland indhaha ku hayso, waxaana la sheegay in beeshu ay dib eegis ku samayso ciidanka iyo hubka ay ku haystaan Tukaraq, waxaana la fili karaa in ay suuragal tahay in go'aamo ka dhan ah Puntland ay ka soo baxaan shirkaasi, beesha Karaash ayaa waxay xilka qaadista Karaash ku sheegtay mid shaqsiyadeed ee aysan ku salaysnayn masuuliyad iyo wadajir Ummaddeed oo la tixgashay.

Beesha Karaash, ayaa marka laga soo tago gobolka Sool waxay dagaan ahaan dagaan deegaanka Nugaaleed ee isla gobolkaasi.

Beesha Karaash, ayaa haddii ay soo saarto go'aammo ka dhan ah madaxda sare ee Puntland amaba maamulka Puntland waxay noqonaysaa mid khalkhal siyaasadeed ku keenta Puntland, iyadoo horay loo xasuusto Xaabsade iyo beesha uu ka soo jeedo ee dhanka hawdka ay sababtay in Laascaanood ay ka baxdo gacanta Puntland.

Puntlandpost.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests