Postby Babygirl- » Fri Feb 04, 2011 11:01 am
They are Reer-SSC.. stop lying to yourself..
Dibadbax Looga Soo Horjeedo Madaxweyne-xigeenka Puntland Oo Maalintii Labaad Ka Dhacay Garowe
Garowe (RBC Radio):- Dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo Madaxweyne Xigeenka Dowladda Puntland Gen, C/samad Cali Shire ayaa maanta ka dhacay degmada Garowe ee caasimada dowladda Puntland.
Dadweyne aad u tiro badan oo careysan ayaa isugu soo baxay goob fagaare ah oo ku taala magaalada Garowe, kuwaasi oo sameeyay banaanbax ka dhan ah Madaxweyne xigeenka dowladda Puntland Gen, C/samad Cali Shire.
Dadka banaanbaxa sameynayey oo u badnaa haween iyo caruur ayaa ku hadaaqayey ereyo ay ka mid yihiin dooni mayno daneyste, damiir laawe dooni mayno, iyo ereyo kale oo ay si carro leh ugu dhawaaqayeen.
Banaanbaxayaasha ayaa u muuqday kuwa la heyb ah Madaxweyne xigeenka dowladda Puntland, kuwaasi oo ka kululaa dagaalada ka socda deegaanada Kalshaale, Haggoogane iyo Meygaagle ee Gobolka Ceyn, waxaana ay sidoo kale dibadbaxayaashu ka sharqamiyeen in ay ka xun yihiin xil ka qaadista lagu sameeyay Wasiirkii hore ee Duulista iyo Garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ay xil ka qaadistiisa ku eedeeyeen Madaxweyne-xigeenka Puntland.
Dibadbaxa maanta ayaa ahaa kii labaad ee looga soo horjeeda Madaxweyne xigeenka, waxaana banaanbaxii shalay ka dhacay Garowe uu si gaar ah uga dhacay agagaarka guriga uu magaalada Garowe ka degan yahay Madaxweyne xigeenka dowladda Puntland Gen, C/samad Cali Shire.
Dadweynaha maanta banaanbaxa sameynayey ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Booliska gobolka Nugaal oo magaalada lagu soo daadiyey ay daadgureeyeen islamarkaana ay xabsiyada magaalada Garowe ku xireen iyagoo laga buuxiyey gawaarida Booliska ee la yiraahdo shabaqlaha.
RBC Radio.