Dilka Shiikh Xuseen Khaliif Waxaa Kadanbeeya Alshabaab”Taliyaha Q Bilayska Gobolka Mudug
Galkacyo(Puntlandi.com);- Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug G/Dhexe Adan Nuur Qaal ayaa ku eedeeyay dilka Godomiyihii Maxkamada Darajad kowaad Gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay In ay kadanbeeyeen fidnawadayaal ka shidaal qaata Ururka Alshabaab.
Adan Nuur ayaa sheegay in dilkan uu lamidyahay dilalkii iyo qaraxyadii Gobolka ka dhacay waxaana uu sheegay in shaqsiyaad nabada Gobolka ka soo horjeeda ay soo maleegaan.
“Dilkan waxaa kadanbeeya Ururka Shabaab waan ognahay waana soo qabandoonaan ciidamada amaankana dabagalbay ku hayaan ayuu hadalkiisa raaciyay Taliyaha Q Bilayska Gobolka Mudug.
G/Dhexe Adan ayaa sheegay in maalmahan socdeen hawlgalo xoogan oo ciidamada amaanka kula dagaalamayaan maleeshiyaadka dilalka iyo qaraxyada ugaysta masuuliyiinta Gobolka iyo Culimada waxaana uu wacad ku maray in ciidamada amaanka mar gacanta ku soo dhigidoonaan.
“Si Dhuumashaa ayay wax ku dilaan laakiin ciidamada amaanka way ubareeridoonaan falalka guracan oo ay gaysanayaan ayuu hadalkiisa raaciyay.



