Dad Ku Soo Dhaawacmey Dagaalkii Kalshaale Oo Gaalkacyo La Keenay
Gaalkacyo (RBC Radio):- Meydka laba ruux iyo dhaawaca 19 kale ayaa la keenay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dadkani ay ahaayeen kuwa waxyeelo ay ka soo gaartey dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale ee Gobolka Ceyn, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Soomaaliland iyo Maleeshiyo deegaanka ah.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo Dr, C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in dhaawac gaaraya 19 la keenay isbitaalka, dhaawacaasi oo laga keenay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn, isla markaana lasoo mariyey dhulka howdka ah.
Waxaa Agaasimuhu intaa raaciyey in dhaawaca tiro ahaan uu gaarayey 21 ruux, hase ahaatee intii ay jidka soo socdeen in ay geeriyoodeen laba ruux oo dhaawac aad u culus ahaa, waxaa uuna intaa ku daray in dhaawacani intooda badan xaaladoodu wanaagsan tahay.
Dhaawacyada la keenay ayaa isugu jira noocyo badan, kuwa lafaha ayaa burbursan, kuwa kale uur ku jirta ayay dhaawac ka qabaan, kuwana madaxa iyo meelo kale oo lugaha ay ka mid yihiin, waxaana durbadiiba gargaar caafimaad oo deg deg ah ku sameeyay dhakhaatiirta gobolka oo ay ka mid yihiin Dr, Bashiir Cali Biixi, Dr, Timir iyo dhaqaatiir kale, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyadaasi oo aad u cuslaa lagu sameeyay qaliimo fudud iyo kuwa culus.
Amaanka isbitaalka gobolka Mudug ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadada hore ee Isbitaalka lagu soo daadiyey ciidamo ka tirsan Booliska iyo Daraawiishta waxaana loo diiday in dadweynuhu gudaha u galaan isbitaalka oo ay arkaan dhaawaca, inkastoo mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo iyo kuwa Maamulka Gobolka Mudug ay Isbitaalka ku booqdeen dhaawaca.
RBC Radio.




