Page 1 of 1

Kalshaale wounded arrive in Gaalkacyo

Posted: Tue Feb 08, 2011 4:58 pm
by Somalian_Boqor
Dad Ku Soo Dhaawacmey Dagaalkii Kalshaale Oo Gaalkacyo La Keenay

Gaalkacyo (RBC Radio):- Meydka laba ruux iyo dhaawaca 19 kale ayaa la keenay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dadkani ay ahaayeen kuwa waxyeelo ay ka soo gaartey dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale ee Gobolka Ceyn, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Soomaaliland iyo Maleeshiyo deegaanka ah.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo Dr, C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in dhaawac gaaraya 19 la keenay isbitaalka, dhaawacaasi oo laga keenay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn, isla markaana lasoo mariyey dhulka howdka ah.

Waxaa Agaasimuhu intaa raaciyey in dhaawaca tiro ahaan uu gaarayey 21 ruux, hase ahaatee intii ay jidka soo socdeen in ay geeriyoodeen laba ruux oo dhaawac aad u culus ahaa, waxaa uuna intaa ku daray in dhaawacani intooda badan xaaladoodu wanaagsan tahay.

Dhaawacyada la keenay ayaa isugu jira noocyo badan, kuwa lafaha ayaa burbursan, kuwa kale uur ku jirta ayay dhaawac ka qabaan, kuwana madaxa iyo meelo kale oo lugaha ay ka mid yihiin, waxaana durbadiiba gargaar caafimaad oo deg deg ah ku sameeyay dhakhaatiirta gobolka oo ay ka mid yihiin Dr, Bashiir Cali Biixi, Dr, Timir iyo dhaqaatiir kale, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyadaasi oo aad u cuslaa lagu sameeyay qaliimo fudud iyo kuwa culus.

Amaanka isbitaalka gobolka Mudug ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadada hore ee Isbitaalka lagu soo daadiyey ciidamo ka tirsan Booliska iyo Daraawiishta waxaana loo diiday in dadweynuhu gudaha u galaan isbitaalka oo ay arkaan dhaawaca, inkastoo mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo iyo kuwa Maamulka Gobolka Mudug ay Isbitaalka ku booqdeen dhaawaca.

RBC Radio.

Re: Kalshaale wounded arrive in Gaalkacyo

Posted: Tue Feb 08, 2011 4:59 pm
by Somalian_Boqor
Dhawaacii Dagaaladii Kalshaale oo Galkacyo la keenay.

08. February 2011

19 Dhaawac ah iyo 2 Dhimasha ah oo Gaalkacyo lag Soo gaasiiyay Deegaanka KalShaale. Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Waxaa Maanta la Soo gaarsiiyay 19 Qof oo ka Mid ah dhaawacyadii Dagaalka Kalshaale ee Gobalka Cayn ee u Dhaxeeyay Ciidamada Soomaliland iyo Bulshada Gobalkaasi oo is abaabushay.

Dadkan Waxaa Sidoo kale ka mid ah 2 nin oo Dhexda ku soo dhimatay kadib Markii dhaawac ahaan looga soo qaaday Deegaanka Kalshaale eeDagaalada Xoogan ay ka dhacayaan.

Dadkan Dhaawaca ah ayaa Waxaa Xilligan lagu Dabiibayaa Cisbitaalka Guud ee Gobalka Mudug Waxaana Dhaqaatiirtu ay aad ugu Mashquulsantahay La Tacaalida Dhaawacyada 19-kaasi Qof Si ay u badbaadiyaan, Waxaana Sidoo kale Jira Gurmadyo kala Duwan oo Dadkan ay u Muujiyeen Bulshada Qaybaheeda kala Duwan ee Magaalada Gaalkacyo Waxaana Jira Dadaalo ay Waxgaradku Hormuud ka Yihiin oo Dadkaasi Lagu caawinayo Dhinacyo badan.

Inkastoo Maamulka iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa aad u Mushquulsan. Arrintan iyo la Tacaalida Dadkan Dhaawacyada ah ayaa Hadana. Waxaanu goor dhawayd Xiriir la maysanay Agaasimaha guud ee Cibitaalka Gobalka Mudug C/raxmaan Maxamed oo loo yaqaano Xumbul Xaambul wuxuuna Sheegay Xaalada Cafimaad ee Dadkan in ay tahay Mid aad u Wanagsan islamarkaan loo Fuliyay Gargaaradii caafimaad ee ay U baahnaayeen Wuxuuna Tilmaamay in ay Jiraan Dad Qaliino kala Duwan ay ku sameeyeen Dhaqaatiirta gobalka Mudug, inkastoo uu sheegay Dhawacyada Dadkan in ay u badnaayeen Jajab iyo Waxyaabo la Mid ah.

Sidoo Kale Waxaa Banaanka Kore ee Cisbitaalka aad u Soo buuxdhaafiyay Ilaa Saaka Qaybaha Bulshada Magaaladan oo Qaarkood la Ehel ah Dhaawacyada Dadkan la keenay iyo Qaar kale oo Iyaguna ka Mid Bulshada Gobalkan Mudug ee Arrintan aadka uga Damqatay.

Dhinaca Kale Wararkii ugu Dambeeyay ee Deegaanka kalshaale waxay tilmaamayaan maanta in uusan wax Dagaal ah dhicin lakin ay Muuqdaan Saansaan Dagaal kale Hurin Karta. Waxaana Jira Abaabulo kala Duwan oo Labada Dhinac ay Wadan.

AllIdamale.com

Re: Kalshaale wounded arrive in Gaalkacyo

Posted: Tue Feb 08, 2011 6:50 pm
by quark
may allah help this brave men in their healing process :up:

Re: Kalshaale wounded arrive in Gaalkacyo

Posted: Tue Feb 08, 2011 10:28 pm
by Khalid Ali
Two other ssc fighters killed somalian boqor did u mjs killed these injured one in galkacyo. Mj waba cadaw

Re: Kalshaale wounded arrive in Gaalkacyo

Posted: Tue Feb 08, 2011 11:59 pm
by EastAfrica
khalid ali wrote:Two other ssc fighters killed somalian boqor did u mjs killed these injured one in galkacyo. Mj waba cadaw
Cid ka cadowsan oo ka xun aduunka majirtu Idoor iyo yahuuda, labadaa shaydaan waxbee wadaagaan


Majeereen waa gob oo sharaf, dadka kale ma dulmiyaan, mana hugureeyaan dadkale dhulkiisa. Allah baa dhulkoodii deeqsiiyey oo dad Allah yaqaan oo iimaan leh. shacabka majeerteen waa ku mahadsanyihiin inay caawiyaan walaalahood SSC Freedom Fighters.

Idoorka dhulkiisii baa deeqi waayey, oo wadkiisii baa wada, meydadkoodii oo dhulka wadahn bee ka carareen, fuleysanaa