Garowe, Feb 17 - Wafdi ka socda maamulka Galmudug ayaa 15kii Febraayo 2011 waxa ay soo gaareen caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe.
Ujeedada kulanka oo ahayd in ay ka wada hadlaan sidii labada maamul ay u yeelan lahaayeen iskaashi darisnimo iyo sidii ay wadajir uga hortagi lahaayeen wixii khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana deegaanada ay maamulaan.
Gudagaliddii arrimihii iskaashiga guud waxaa ka wada qaybgalay Maamulada Puntland iyo Galmudug waxaana laga wada hadlay ajande ka kooban Saddex qodob oo kala ah:
1. Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya
• Sidee mowqif cad oo isku mid ah looga istaagi karaa xaaladda Soomaaliya?
• Arrinta waqti kororsiga Baarlamaanka iyo Xukuumadda kumeelgaarka ah.
• Sidee shir dib u heshiisiineed loo qaban karaa, xaggeese lagu qaban karaa?
2. Arrimaha Nabadgalyada
• Ka wadashaqaynta dhinaca berriga iyo badda
• Xoojinta ka wadashaqaynta nabadgalyada
• Iskuxirka maamullada.
3. Iskaashi dhinac walba ah
• Iskaashiga dhaqaalaha iyo Ganacsiga
• Iskaashiga arrimaha bulshada (waxbarashada, isboortiga iyo caafimaadka)
• Iskaashiga wax ka qabashada barakacayaasha iyo abaaraha.
Madaxda labada dhinac markii ay lafa gureen qodobada kor ku xusan ayna uga doodeen qodob qodob waxaa lagu heshiiyey:
Qodobka Koowaad
Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya
Iyadoo arrimaha Soomaaliya marayaan marxalad khatar ah waxay Puntland iyo Galmudug Isla garteen:
1. In midnimadda Soomaaliyeed tahay lagama maarmaan, iyadoo loo marayo nidaamka Dawladnimo ee Federaaliga ah.
2. In kororsiimada xilligan ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka ah aysan munaasib u ahayn ummadda Soomaaliyeed waqtigan, taasoo niyad jab ku riday shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.
3. Waxaan u aragnaa in xalka Soomaaliya ku jiro in la qabto shirwayne Qaran oo u gogolxaaraya sidii loo dhisi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, laguna qabto dalka gudihiisa meeshii ku haboon.
4. Shirwaynaha qaran waa in uu ku qabsoomaa kuna dhamaadaa mudada u harsan DFKM, oo ah 20 Agosto,2011.
5. In la sameeyo gudi qabanqaabo oo uu yeesho Shirwaynaha qaran, kana kala yimaada DFKM, Puntland, Galmudug, Somaliland, Ahlu Sunna Wal jamaaca, maamulada kale iyo wakiillo ka socda deegaanadda aan maamuladu u dhisnayn.
6. Si uu habsami ugu qabsoomo shirwayne qaran waxay Dawlad Goboleedka Galmudug xil iska saareysaa in ay dhexdhexaadiso DFKM iyo Dawlada Puntland.
Qodobka Labaad
Amniga guud
• In ay si wadajir ah ula dagaallamaan koox ama shaqsi kasta oo ku sifooba argagixisanimo ku soo wajahan xuduudaha ay maamulaan.
• Wixii falal argagixiso ah oo ka dhaca maamul gudihiis waxay labada maamul ka wada yeelanayaan iskaashi dhaqaale, siyaaso iyo sirdoon.
• In ay isu celiyaan dambiilayaasha gala falalka dilalka iyo dhaca hantiyeed ee u kala gudba labada maamul.
• In burcadbadeedda si wadajir ah loogala dagaallamo lagana suuliyo degaannada Puntland iyo Galmudug ay maamulaan.
• In la sameeyo labo guddi oo kala ah:
b) Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga, oo ka kooban 10 (toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, isla markaana kulmaya saddexdii biloodba mar, haddii aanay u baahan
kulan degdeg ah.
t) Guddiga Fulinta heer Gobol, oo ka kooban 14 (afar iyo toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, waxayna magacaaban karaan guddi-hoosaadyo hawsha la fududeeya.
j) Xubnaha labada guddi waxaa lagu soo magacaabayaa labo todobaad gudahood oo ka bilaabata marka heshiiskan la saxiixo.
• Goobta shirka guddiyadu ku qabsanayaan waxaa ay meerto u noqonaysaa labada maamul.
Waajibaadka Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga:
1. Kormeeridda iyo la socodka hawlaha guddiga heer gobol
2. Xal u helidda khilaafaadka soo jireenka ah ee curyaamiyey xasilloonida iyo horumarka bulshada gobolka Mudug
Waajibaadka Guddiga Fulinta ee heer Gobol
1. Iskuxirka arrimaha nabadgalyada gobolka
2. Joogtaynta xiriirka iyo wadashaqaynta gobolka
3. Qorshe u dajinta hawlaha nabadgalyadda gobolka
4. Meelmarinta intifaacsiga biyaha iyo daaqa si nabadgalyo ah
5. Joogteynta xiriir wadashaqayneed ee labada ciidan.
6. Abuuriida ciidan wadajir ah oo ka hawgala ka hortagga falalka argagixisada iyo shaqaaqooyinka markii loo baahdo
7. Joogtaynta latashiga iyo wargalinta Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga
Qodobka Saddexaad
Iskaashi Dhinac walba ah
1. In iskaashi dhinac walba ah ay ka yeeshaan arrimaha nabadgalyada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada.
2. Waxa ay baaq caalami ah ka soo jeediyeen abaaraha, waxayna Qarammada Midoobay iyo beesha caalamka ka codsadeen in ay kaalmo bini’aadannimo la soo gaaraan gobolada ay abaaruhu sida ba’an u wax yeelleeyeen xoolihiina dhaafeen.
3. Waxaa la isku raacay in la soo dhaweeyo barakacayaasha ka soo cararey gobollada ay dagaaladu aafeeyeen.
Dhaqangalka Heshiiska
Heshiiskaani waxaa uu dhaqangalayaa marka labada maamul ay saxiixaan
Magacyadda Xubnaha Puntland iyo Galmudug
Dawladda Puntland
1. Gen. Cabdisamad Cali Shire - Madaxwayne kuxigeenka Puntland
2. Gen Yusuf Axmed Khayr - Wasiirka Aminiga iyo DDR
3. Caasha Gelle Diriye - Wasiirka Horumarinta Haweenka & Arr. Qoyska
4. Cabdiwali Xirsi Cabdulle - Wasiirka Shaqada, Sh. & Ciyaaraha
5. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale - Wasiiru-Dawlaha Dastuurka & Federaalka
6. Cali Yuusuf Cali-Xoosh - Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha
7. Burhaan Cilmi Hirsi - Wasiir kuxigeenka Deegaanka, D. & Dalxiiska.
Magacyadda Xubnaha Galmudug
1. Abdisamad Nuur Guuleed - Madaxwayne kuxigeenka Galmudug
2. Xasan Faarax Barre - Wasiirka Dib U Heshiisiinta iyo Arr. Federaalka
3. Cabdullahi Jaamac Dhoore - Wasiirka Maaliyadda
4. S/Gaas Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
5. Cali Xaashi Dhoore
Saxiixa Rasmiga ah ee Heshiiska Puntland iyo Galmudug
Gen. Cabdisamad Cali Shire
Madaxwayne Ku xigeenka Puntland
Cabdisamad Nuur Guuleed
Madaxwayne Ku xigeenka Galmudug



