puntland is not fighting with cayn ppl
Posted: Fri Feb 18, 2011 5:08 pm
“Siyaasada Puntland Colaad Kuma Jirto Laakiin Waxaan ku Kalsoonahay Shacabka Cayn.
Buuhoodle(Puntlandi.com);-Wasiirka Kaluumaysiga iyo Qayraadka Bada Dawlada Puntland Eng Maxamed Faarax Adan ayaa kawaramay xaalada abaareed iyo dhiilada colaadeed ee ka oogan Gobolka Cayn.
Eng.Maxamed ayaa sheegay in xaalada Gobolka Marayso meeshii ugu cuslayd waxaana uu sheegay in dadka isugu tageen abaaro iyo colaad xoogan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay wali sii socdaan dhiilada colaadeed ee ka imaanaysa dhinaca maleeshiyaadka Hargaysa waxaana uu intaa ku daray in Kalshaale soo dhoobteen ciidamo kala taabacsan dhinacyadii dagaalka dhaxmareen.
“Masaafo gaaban ayay isku jiraan markastaa waa suuta gal in uu dagaal dhaco waxaana goobta goorkasta ka dhacaya rasaasta fudud iyo Hubka culus oo labada dhinac ka imaanaya”ayuu yiri Wasiirka kaluumaysiga Puntland.
Waxaa uu mamulka Hargaysa wasiirka ugu baaqay in ay ciidamadoo kala baxaan dhulka ay soo dhoobeen waxaana uu sheegay in ay ku kalsoonyihiin shacabka Gobolka Cayn in ay ka saaraan balse Dawlada Puntland tixgalinayso in dhiig badan uu san daadan.
“Waan ku kalsoonahay shacabka Gobolka Cayn in ay ka saaraan oo ay jabiyaan maleeshiyaadka Somaliland balse qadiyada Puntland kuma jirto colaad hurin ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in uu booqasho ku tagay deegaanadii ay dagaalada ka dhaceen oo ay gacanta ku hayaan ciidamada mamulka Gobolka Cayn.