puntland daraiwshii gathering in tukaraq for laascound
Posted: Tue Feb 22, 2011 3:55 pm
Ciidamo Ka Tirsan Daraawiishta Dawladda Puntland Ayaa Gaarey Duleedka Laascaanood
Ciidamo ka tirsan Dawladda Puntland ayaa saacadihi lasoo dhaafay kusii qulqulaayay Degmada Tukaraq ee gobolka Sool una dhaxeysa magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.
Warar ay warbaahinta Horseed Media helayso ayaa xaqiijinaaya in Ciidamo ka tirsan Puntland oo wata gaadiidka dagaalka ay tan iyo shalay ka ambabaxayeen magaalada Garoowe iyadoo durba ay gaareen duleedka Tukaraq.
Ciidamada ayaa waxaa hogaaminaaya Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Puntland waxayna ka danbeysey kadib markii ciidamada Somailand ay weerar ku qaadeen shacabka beesha Dhulbahante ee gobolka Cayn, isla markaasna ay ciidamo cusub u soo direen dhanka Laascaanood.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Ciidamo hor leh lagu wado in ay ka baxaan magaalada Garoowe oo ay u ruqaansadaan Tukaraq.
Dhinaca kale wararku waxay sheegaayan in Ciidamo uu hogaaminaayo Wasiirki hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ku suganyihin halka lagu magacaabo Cadaadda oo u dhow magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Axmed Karaash iyo Ciidan uu wato ayaa waayadan dhaq-dhaqaaq ciidan kawaday gobolka Sool, waxaana uu wacad ku maray in uu fulinaayo hawshii uu dalka u yimid ee ahayd in uu xoreeye xarunta gobolka Sool.
Arimahaan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan Madaxweynaha Puntland uu digniin ujeediyey maamulka Somaliland isagoo si kulul uga hadlay colaadi Kalshaale,iyadoo u sheegay in Dawladda Puntland ay si rasmi ah u difaaci doonto shacabkeeda.