Garowe ( RBC Radio ) Inkastoo magaalada garoowe asbuucyadaan ay kadhacayeen Banaan baxyo looga soo horjeedo Dagaalada kasocda gobolka cayn ayaa hadana dibad baxa maanta waxa uu kuduwanaa kuwii hore uga Dhacayay magaalada garoowe waxaana banaanbaxaani uu ahaa mid jawaab celin ah oo Ay Sameenayeen boqolaal dad ha oo isugusoo baxay magaalada gudaheeda kuwaas oo kasoo Horjeeday hadaldii maalintii shalay ahayd shir ay yeesheen qaar kamid ah haweenk magaalada hargaysa kaas oo ku naadanaa in puntland ay Duulaan kusoo qaaday deegaano ay gacanta kuhayso soomaaliland.
Dad ka Banaanbaxaaaysha oo isugu jiray haween caaruur iyo dhalinyaro ayaa waxay socod kumarayaeen wadada weyn ee laamiga iyagoona ku Dhawaaqayay ereyo kadhan ah sida ay uga Xunyihiin hadaladii kasoo haweenka hargaysa.
Dadka Banaanbaxaasyha ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqyeen ereyo ay kamid yihiin dooni Mayno Soomaali diide dooni mayno dagaal ooge dooni dal balaarsi iyagoo dhinaca kale ku Dhawaaqeyay Ereyo markale ay ku taageersanyihiin hadalkii kasoo baxay madaxweynaha Dawlada puntland Dr C.raxmaan sheikh maxamed macamuud faroole hadalkaas oo ahaa In Puntland ay diyaar utahay Difacaacida dalkeeda iyo dadkeeda lagu gumaadayao Gobolka cayn.
Si kastaba ha ahaatee Banaabaxaani maanta kadhacay gudaha magaalada garoowe ayaa waxa Uu dabacsocday banaan baxyadii mudooyinkii ugu dambeeysay ka dhacayay magaalada garoowe Iyo meelo badan oo kamid ah Puntland Banaanbaxaasoo dhammaamtood looga soo horjeeday Dagaalada lagusoo qaaday gobolka cayn iyo deegaano hoostaga .
Waxaa Noo Soo Diray
C/wali Maxamed Sheikh



