Galkacyo(Puntlandi.com);- Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Dawlada Puntland Cali Yuusuf (Ali Gaab) oo kamidahaa wasiiro ka socda xukuumada oo Galkacyo soo gaaray ayaa sheegay in maagalada u yimaadeen xoojinta mamulka iyo isku xirka ciidamada iyo shacabka.
Wasiirka o warfidiyeenada su’aalo waydiiyeen ayaa sheegay in wafdgan Dawlada u soo dirtay magaalada una yimaadeen tayaynta mamulka Gobolka mudug.
“Waxaan Galkacyo unimid xoojinta mamulka iyo isku xirka shacabka iyo ciidamada waxaana go’aanadeena qaadandoonaa marka ay noo dhamaadaan kulamada xog kalaqaadashadaa”ayuu yiri wasiirka.
Marka aad leedahay wasiir tayaynta mamulka iyo xoojinta ma waxaad ula jeedaa isbadal lagu sameeyo mamulka iyo hogaanka ciidamada ayaa lawaydiiyay wasiirka waxaana uu ku gaabsaday.
“idinka si aad doontaan uqaata laakiin anaga waxaan unimd waxqabad iyo xoojinta mamulka ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka.





