Darawhish cheif commender announcement Situation in puntland
Posted: Sun Feb 27, 2011 3:47 pm

Garowe ( RBC Radio ) War saxaafadedkaan uu taliyaha guud ciidanka difaaca puntland siciid maxamed xirsi siciid siciid dheere ku qabtay xerada taliska ciidanka daraawiishta 54aad ee kutaala Duleedka magaalada garoowe Ayaa waxa kaga hadlay warbixin kooban oo ku aadan halka marayso xaaladaha nabad galyo ee puntland.
Waxaana taliyuhu sheegay in mudooyinki ugu dambeeysay hay.adaha nabad sugida oo sal dhigid ay u yihiin ciidamada Qalabka sida ay ku howlanaayeen sidii wax looga qaban lahaa amaanka guud ee nabad galyada.
Waxaana sidoo kale taliyaha kahadlay in degmooyinka iyo gobolada lafahansiiyo ahmiyada nabad galyada Iyo in lala diriyo wixii keeni kara nabad galyo xumada islamrkaanka shacabka ay madaxda u yihiin .
Siciid maxamed xirsi {siciid dheere} taliyaha guud ee ciidanka difaaca puntland ayaa sheegay in deegaano hoostaga gobolka sool iyo nugaal ay ay ka wadaan qorsho lagu doonayo Hirgalinayo sugida amniga deegaanadaasi .
Su.aalo ay waydiisay warbaahinta oo ku aadanaa qorshaha oga dagsan soo celinta sool iyo Faragelinta dagaalada kasocda gobolka cayn feegaano hoos yimaada ayaa taliyuhu waxa uu ku jawaaabay arintaasi in uu ka hadlay madaxweynaha dawlada Puntland C.Raxmaaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole
Shir saxafadeedkaan uu maanta qabtay taliyaha guud ee difaaca ciidanka puntland ayaa noqonaya markii ugu horeeysay uu qabto shir saxaafadeed tan wixii kadambeeysay howgaladii lagusoo gababeeyay Buuraleyda galagala ee dawlada puntland kaga guuleesatay koox uu hor kacayay maxamed siiid atam.