Page 1 of 1

Ururka SYSA oo deeq waxbarasho u fidiyey road children

Posted: Fri Mar 04, 2011 2:22 pm
by FBISOMALIA
Garoowe:(Allpuntland)-ururka SYSA oo gacan ka heleya hayada horumarinta waxbarashada ee EDC ayaa deeq waxbarasho u fididyey arday gaaraysa 300 oo arday oo danyara kana soo jeeda qoysas itaal daran oo aan awoodin bixinta lacagaha waxbarashada oo ku nool tuulada sunujiif ee ka tirsan gobolka nugaal.

Madax ka tisan wasaarada waxbarasha saraakiisha ururka SYSA iyo waxgarad kale oo gaaray tuulada suno-jiif ayaa kulan balaran oo ay la yeesheen waxgaradka iyo masuuliyiinta sunujiif waxa dabadeed ay gudoonsiiyeen deeq waxbarasho oo loo fidiyey 300 oo arday oo ay waheliyeen agabkii ay wax ku baran lahaayeen oo ay ka mid ahayeen buugaagtii iyo qalimaantii taasi oo shacabka tuulada sonajiif ku tilmaameen mid dhaxal gal u ah.

Gudoomiyaha ururka SYSA Caduur Aadan Caduur oo kulanka deeq gudoonsiinta ka hadlay waxaa uu tilmaamay in ururkoodu xooga saaro sidii danyarta loogu fidin lahaa waxbarasho lacag la,aanoo oo ay kafaalo qadayaan lacagta iskoolka iyo agabka waxbarasho waalidiinta ubadkaasi danyarta ee waxbarshada la gaarsiiyeyna u jeediyey in ay ku ilaaliyaan ilmahooda waxbarashada.

Kormeeraha Waxbarashada gobolka Nugaal Cumar Guure oo isna hadal ka jeediyey goobta waxaa u uga mahad celiyey ururka SYSA sida ay u garsiinayaan ubadka danyarta aha deeqda meelo ka baxsan magaalooyinka ugana yeeray maamulka degmada sonojiif in ay ka warqabaan.

si kastaba ha noqotee dhamaan waalidiintii ubadka deeqda waxbarasho heley dhalay ayaa ka mahad celiyey deeqda waxbarashoo ubadkoodu heleen iyagoo ku amaanay ururka wadanigaa ee SYSA mid si dhaba u garsinaya deeqaha dadka u baahan.
Maxamed Baashe