Boosaso ( RBC Radio ) Waxaa Maanta Xarunta Gobolka Bari Ee Magalada Boosaso Ka Bilowmay dayactir Loogu Talagalay Guriga Gobolka Bari.
Dhagax dhiga Dayactirkani ayaa waxaa Ka Soo Qaybgalay masuuliyinta Gobolka Bari Iyo Wasarada arimaha Gudaha Qaybtood.
Masuulka Ka socda Hay’ada DRC oo ah Hay’ada Dhisaysa Dhismaha Guriga Gobolka Bari ayaa Halkaasi ka sheegay in ay Aad Ugu Faraxsan Yihiin Dhismahani Ay Ka Furlinayaan Xarunta Gobolka Bari Isla Markasina Rajeynayaan In Howlaha Dhismahani Si Wanaagsan ku soo dhamadan.
wasiir Ku Xigeenka Wasarada arimaha Gudaha Puntland Cabdi Yaasin Oo Shamiitadii Ugu Horeysay Ku dhiftay Darbiga ayaa sheegay in Hormarka Lagama maar maan Yahay isla Markaasna Hay’ada DRC ugu Mahadcelinayaan Howsha ay U Qabaneyso guriga Gobolka Bari.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yusuf Ayaa sheegay in Maanta ay Tahay Wax aad Loogu Farxo Dayactirkani Lagu Sameynayo Xarunta Maamulka Gobolka Bari Oo Mudo Afartameyo Sano aan Dhisme arag Isagoona Hoosta Ka Xariiqay Amaan Balaaran U soo Jeedinayo Hay’ada Arimahani Wada.
Waa Markii ugu Horeysay oo Hay’adani Dhisme Ka Bilowdo Gobolka Bari gaar ahaan Xarunta Maamulka Bari Oo Xiligani uu ka Muuqdo Gabow Xoog Leh Maadama Xili Hore La dhisay.







