Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

W.arimaha gudaha Puntland Booqday Xarumaha Dawladda Badhan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

W.arimaha gudaha Puntland Booqday Xarumaha Dawladda Badhan

Postby FBISOMALIA » Sun Mar 06, 2011 3:40 pm

Wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladdaha Hoose ee Dawladda Puntland oo maalmahaan isaga iyo wefdi kale booqasho ku jooga gobolka Sanaag ayaa booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee degmada Baran.

Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Ciidamada Daraawiishta gobolka Sanaag,Taliska qaybta ee gobolka iyo xarumo kale.

Wuxuu ugu horeyn warbixin xerada Daraawiishta Ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee gobolka Sanaag Cabdullaahi Cumar Canshuur,wuxuuna sheegay in dib u habeyn loo baahan yahay in lagu sameeyo Ciidanka halkaas ku sugan.

Sidoo kale wuxuu xarunta Taliska qaybta kula kulmay Saraakiisha Booliska oo ka warbixiyey xaaladdaha Ciidamada Booliska iyo baahiyaha ay qabaan xilligaan in ay helaan.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa ugu dambeyntii yimid xarunta gobolka halkaas uu kulan kula qaatay Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur ”Dabayl”.

Gudoomiyaha ayaa warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda gobolka siiyey Wasiirka,wuxuuna ka warbixiyey dhanka nabadgalyada iyo abaaraha ka taagan dhamaan degmooyinka gobolka.

Waa booqashadii u horeysay uu Wasiirku ku tego xarumaha Dawladda ee degmada Baran tan iyo markii uu dhowaan halkaas gaarey isaga iyo wefdi Wasiiro ah uu hogaaminaayo.

Horseed Media

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: W.arimaha gudaha Puntland Booqday Xarumaha Dawladda Badh

Postby damu » Mon Mar 07, 2011 3:01 pm

Badhan-(MMedia)- Wafdigii uu Hogaaminayay wasiirka arimaha Gudaha puntland C/laahi Axmed jama ilka jiir ayaa maanta Booqday Xarumaha Caafimaadka sida dhakhtarka wayn ee magalaada badhan iyo MCH ka magalada waxaana ay boqashadaasi iyo kormaaerkasiba waxaa ku wehelinayay dhakhtarka magaalada Badhan Dr Ciise Axmed Taajir iyo xubnaha dhakhtarka.

waxa uu booqday wasiirka iyo wafdigii gabi ahaanba dhakhtarka isagoo hadba meel booqnayay waxaan uu soo wada maray bukaankii jiifay dhakhtarka waxaana uu gabi ahaanba waraysatay o xaladooda wax ka waydiiyay dadka bukaanka ah ee goobta jiifay .

kadib waxaa uu booqday goobaha looga shaqeeyo cusbutaalka waxaan uu galay qol qol isagoo sheegay in uu cisbitaalku u baahan yahay wax qabad taasina ay tahay mid idinka laydinka baahan yahay hadii aad tihiin maamulka cisbtaalka waxaan uu sheegay in dadka bukaanka ee yaala meesha ay yihiin dad u baahan dawayn .

wasiirku waxa uu intaasi ku daray in dhaktarkani yahay mid laf dhabar u ah bulshada Reer Sanaag loona baahan yahay in laga Faaiidaysto waxa kaloo oo Wasiirku ugu Baaqay dhamaan qurba joogta debadahu inay gacan ka gaystaan Cisbitaalka oo ah mid mar walba u baahan in la joogteeyo sidii wax looga gaysan lahaa

Hadaba waftigan oo ku sugan hada Magaalada Badhan ayaa u kuu gelaya dhamaan Xarumaha kala duwan ee Degmada intaa lagu dhawaaqin Golaha Deegaanka ee degmada si marka la doorto golaha deegaanka loogu wareejiyo howlaha u baahan inay wax ka qabtaan

Maakhir Media Badhan


Image

Image

Image

Image


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 16 guests