Warsaxaafadeed
Badhan(MMedia)Wefdiga ka socda Dowladda Puntland ee ku sugan Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag uuna hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, D/hoose & Horumarinta Reer Miyiga Puntland Gen: Cabdilahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayna ka midyihiin Wasiiru dowlaha Amniga Puntland Mr. Cali Saalax Xamari, Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Maxamed Cabdulaahi Bootaan, Wasiir Ku xigeenka Dekedaha & Gaadiidka Bada Abshir Siciid Saalax & Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen: Siciid Maxamed Salaad (Gorayacawl) waxay maanta kormeero ku soo fidiyeen dhamaan Hay’addaha Dowlada ee heer Gobol & heer Degmo sida:
1. Taliska Ciidanka Daraawiishta Qaybta Sanaag.
2. Taliska Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Sanaag.
3. Taliska Ciidanka Asluubta Gobolka Sanaag.
4. Xabsiga dhexe ee Degmada Badhan .
5. Ceelka Degmada Badhan & .
6. Xarunta Maamulka Gobolka.
Waxay kula kulmeen dhamaan xafiisyada & goobaha ay soo kormeereen Masuuliyiinta Dowlada ee Xafiisyadaas waxayna warbixino ka dhegeysteen Taliyayaasha Daraawiishta, Booliska & Asluubta ee Gobolka kuwaas oo uga warbixiyey xaalada Guud & hawlahooda shaqo ee ay u hayaan Bulshada .
Ugu danbayntii waxay kulan kula yeesheen dhamaan Shaqaalaha Dowlada ee heer Gobol Xafiiska Maamulka Gobolka shirkaas oo ay goob joog ka ahaayeen Xildhibaan: Axmed Cali Xaashi & Xildhibaan: Cimaan Dalmar (Batrool) ayna ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) & Isuduwayaasha Wasaaaraddaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Caafimaadka, Warfaafinta, Maaliyadda, Hawlaha Guud & Garsoorayaasha Maxkamadaha Derejada koowaad ee Degmada & Maxkamada racfaanka.
Waxay wefdigu kaga dhegysteen Masuuliyiinta Gobolka warbixino khuseeya hawlaha Gobolka & waxqabadka laamaha maamulka waxaana kulankaas laysku dhaafsaday xogo dhowr ah, gebagebadii shirkaasna waxaa hadalo kooban u soo jeediyey Shaqaalaha Gobolka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Waxay horay wefdigu ula soo kulmeen Ururada Haweenka Degmada maalinimadii Jimcaha taariikhduna ahayd 4th March, waxay kale oo meel fagaare ah kula hadleen qaybaha Bulshada sida: Isimada, Nabadoonada, Aqoonyahanad, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Dhalinyarada & qaar ka tirsan qurbajoogta Gobolka maalinimadii sabtida ee bishu ahayd 5th March.
Dhamaan Kulamadan & wadatashiyadani waxay qayb ka yihiin socdaalka wefdiga oo ujeedadiisu tahay sidii loogu kuur geli lahaa dhamaan xaaladaha Guud ee Gobolka.
Mahadsanidiin.
Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha
Dowlada Puntland ee Soomaaliya















