Galkacyo(Puntlandi.com);- Wasiiro katirsan xukuumada Puntland Xildhibaano katirsan Barlamaanada Somaliya iyo Puntland Mamulka Gobolka Mudug Saraakiil ciidan ayaa saaka booqday koonfurta magaalada Galkacyo.
Wafdiga waxaa horkacayay wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali indhaguran waxaana kamidahaa Wasiirada haweenka Marwo Caasha Gelle Diriye Wasiir ku xigeenka beeraha xildhibaan Cabdala Jinoole oo kamida mudanayaasha Barlamaanka Somaliya xildhibaato katirsan Puntland taliya xigeenka bilayska Puntland Godomiyaha Gobolka Mudug Col.Axmad Cali Salaad taliyaha ciidanka daraawiishta Q.Mudug iyo siyaasiyiin ayaa la kulmay masuuliyiinta mamulka koonfurta Galkacyo.
Wafdiga ayaa saacado kooban ku sugnaa koonfurta Galkacyo waxaana ay kulan gaaban laqaateen hogaamiyaha mamulka koonfurta Galkacyo Maxamed Axmad Calin iyo Cabdi Xasan Cawale Qaydiid waxaana ay kawadahadleen meelmarinta is afgaradkii Garowe oo ku salaysnaa nabad kuwawada noolaanshaha Gobolka mudug.
Hogaamiyayaasha mamulka koonfurta Galkacyo ayaa uga mahadceliyay wasiirada xukuumada Puntland booqashada ay ugu yimaadeen waxaana ay kabalanqaadeen in ay fulindoonaan guud ahaan qodobada is afgaradkii Garowe ka dhacay.
Kulanka oo hadalo kooban laga soo jeediyay ayaa nuxurkiisa waxaa lagu sheegay in mamulka koonfurta Galkacyo iyo madaxda Gobolka Mudug iswaydaarsadeen Magacyada Gudiyo labada dhinac ah kuwaa oo kashaqayndoona amaanka Gobolka Mudug iyo nabad kuwada noolaashaha.



