Page 1 of 1

Puntland Oo Iska Fogeysay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gambadh

Posted: Tue Mar 08, 2011 12:18 pm
by KyrieJama
Garoowe,(Lasanod Online)- Maamulka Puntland ayaa is ka fogeeyey inay ku lug-leedahay dagaalladii shalay ka dhacay dagaanka Gambadhe ee bariga Laascaanod,

waxayna ku tilmaantay in dagaalladu u dhexeeyaan malleeshooyin beeleedyada degaanka iyo ciidamada Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar ayaa sheegay in ayan dawladdiisu wax ciidan ah ka joogin dhulka la isku haysto, balse waxa dagaallamayaa ay yihiin shacabka oo ka gadoodsan xadgudubyo isugu jira dil loo gaystay dad rayid ah iyo xabsi lagula kacay shakhsiyaad maamuus ku leh bulshada dhexdeeda oo kor u dhaafaya afartameeyo. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Puntland ayan haatan qayb ka ahayn dagaalkan.

Mar wax laga waydiiyay mawqifka Puntland ee colaadaha socda iyo xad-gudubyada uu sheegay in ay gaysteen ciidamada Somaliland, ayuu sheegay in maamulkiisu ay arinkaas ka leedahay siyaasad leh diblumaasiyaddeeda fulineed iyo xeerinteeda duruufeed. Si kastaba ha ahaatee ma uusan qeexin waxa ay tahay siyaasaddaasi.

Axmed Cali Askar waxa uu ku celceliyey hadalkii madaxwaynaha Puntland ee ahaa in ay tixgalinayaan nabadda iyo daris-wanaaga balse haddi ay ka fursan waayaan ay qaadi doonaan tallaabo walba oo ay maamulku ku gudanayso waajibaadkeeda.

Waxa jira dhalleecayn kulul oo dawladda Puntlland kaga imanaya dadwaynaha Puntland gaar ahaan kuwa Sool, Sanaag iyo Cayn, taasoo ku wajahan sida ay Puntland ka yeeshay ilaa iyo hadda duruufaha colaadeed ee ka aloosan gayigaas.




Copyright © 2010 Lasanod.com

Re: Puntland Oo Iska Fogeysay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gam

Posted: Tue Mar 08, 2011 12:24 pm
by EastAfrica
Puntland officials are saying that Puntland doesn't support Axmed Karaash and his Sool militia.

Puntland is unreliable, People of SSC cannot trust Warlord Faroole and Puntland militia, PL let down people of SSC, and now PL let down Ahmed Karaash.

Re: Puntland Oo Iska Fogeysay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gam

Posted: Tue Mar 08, 2011 3:58 pm
by Executive
Where are the guys claiming Puntland was involved :lol: :lol:

Re: Puntland Oo Iska Fogeysay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gam

Posted: Tue Mar 08, 2011 4:06 pm
by damu
PL is doing the right thing not getting involved :up: :up:

Re: Puntland Oo Iska Fogeysay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gam

Posted: Tue Mar 08, 2011 4:20 pm
by abdalla11
Dadkaan sidee bey wax ufahmaan? Karaash has Puntland forces with him but he's not in good terms with Faroole/Abdisamad Ali Shire and we all know he entered a war without their approval

Re: Puntland Oo Iska Fogeysay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gam

Posted: Tue Mar 08, 2011 4:25 pm
by Executive
Dadkaan sidee bey wax ufahmaan? Karaash has Puntland forces with him but he's not in good terms with Faroole/Abdisamad Ali Shire and we all know he entered a war without their approval


You were running around with this news story yesterday :lol: http://www.puntlandpost.com/newspage.ph ... leid=14334

And today other PL websites and administration are saying something completely different http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=9970&z=2

Re: Puntland Oo Iska Fogeysay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gam

Posted: Tue Mar 08, 2011 4:36 pm
by abdalla11
Did i say Faroole entered the war? Karaash is a Puntlander but he's not in the PL cabinet war dadkaan ma doqomo baa mise they're acting dumb? And yes Karaash's militia consists of every PL clan!