Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wafdi Ka Socda Dalka Denmark Oo Bosaso Soo Gaarey

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafdi Ka Socda Dalka Denmark Oo Bosaso Soo Gaarey

Postby FBISOMALIA » Sun Mar 13, 2011 4:46 pm

Image

Wafdi ka socday Dalka Denmark ayaa maanta soo gaarey magaalada Bosaso ee gobolka Bari waxaana ay kulamo kala gooni gooni ah la qaatay madax ka tirsan Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland gudaha magaalada Boosaaso.

Wafdigaan ayaa isgu jiray xubno ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee Denmark,Hay’adda The LIDA,Unicef iyo DRC,waxayna kulamo kala duwan la qaateen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Puntland, Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari iyo Degmada Bossaso.

Mas’uuliyiintaasi ayaa kala hadlay Mas’uuliyiintii ka socotay dhanka Dawladda Puntland mashaariic ku aadan dhanka horumarinta, maamul baahinta iyo taageeradda barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Bari gaar ahaana xarunta Gobolka Bari ee Bossaso.

Waxay tilmaameen in ay barakacayaasha iyo dadka dhibaataysan ka taageeri doonaan dhinacayada helitaanka biyo nadiif ah, hagaajinta guryaha Barakacayaasha Waxbarashada, Caafimaadka iyo sidoo kale barnaamijyo kale oo ku aadan dhinacayad nolosha dadkaasi.

Dhanka kale waftiga ayaa kala hadlay masuuliyiinta ay la kulmeen dadka u dhashay dalka Denmark ee lagu haysto xeebaha Gobolka,waxayna muujiyeen in a ka xun yihiin in siidaynta dadkaasi loo adeegsado xoog taasi oo khatar gelinaysa noloshooda.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankii ay la qaateen waftiga ayuu sheegay in ay isku afgarteen dhamaan waxyaabahii ay ka wada hadleen.

Sidoo kale Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa u sheegay xubnihii ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Denmark in dawladda Puntland ay dadaal ugu jirto sida uga haboon ee lagu si dayn karo muwaadiniintooda.

Ujeedada u weyn ee wefdiga ayaa la aaminsanyahay in ay la xiriirto sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda 7 qof uu u dhalatay dalka Denmark kuwaas oo burcadbadeed ay qafaal ugu haystaan xeebaha Bandar-Bayla, waxaana ay fariin soo gaarsiiyeen maamulka, isla markaa waxa ay dersayaan qaabka u fudud ee lagu soo deyn karo lahaystayaashaas.

Horseed Media

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests