Ku Isimmada Dhulbahante
Ku Aqoonyahannada
Ku Siyaasiyiinta
Ku Odayaasha iyo Waxgaradka kale
Walaalayaal annagoo marka hore ka xun xaqdarrada uu idin ku hayo taliska Soomaali diiku, hiil iyo hoona idin la garab taagan, ayaa waxaan halka idiin ku soo gudbinaynaa dareenka aanu ka qabno isticmaalidda magaca SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn), iyo qaabka aad u wajahdeen sidii cadowga dhulkiinna aad uga kicin lahaydeen.
Ugu harrayn, Waxannu aad uga xunnahay sida indhala’aanta ah ee aad u isticmaalaysaan magaca Sanaag, idinka oo u laqbaynaya inaad idinku Gobolka Sanaag wadar ku tihiin, meel kasta iyo goob kastana aad ka tiraahdeen: aqoonyahankiinnii, odayaashiinnii iyo waxgaradkiinniiba. Iyadoo sida runtu tahay aad dalkii aad dhaxalka u lahaydeen ee Qaarrey, Saraar, Bancaddayaal, Badweyn, Soolgeriyo, Xaysimo nugaaleed iyo meelo kale oo badan aad ka samirteen.
Taariikhdu been ma sheegto, run ahaantii sannaddii 1889-kii, markii gumaystayaashu arlada qabsadeen ee daraawiishi kacday, ayaad ka dal kacdeen qaarrey, Ceel Afweyn, Garadag iyo intii loo gaadho, waxadna gudhada u soo gasheen arla Warsangeli, waa la idin ku soo dhoweeyey. Dhanka kale waxaad ka soo ruqaansateen Burco, Beer, iyo Cagaha Sheekh. Dal riixaas ayaa sabab u ahaa inaad saddexda tuulo ee aad Sanaag ka degtaan, ku noolaataan, raallina waa idiin ka ahayn. Dhulkiinnii markii Isaaq gees walba qaatay, waa khalad inaad sheegataan dhul walaalihiin oo nool, oo idin garab taagani leeyihiin. Xataa sida aan qoraalkan ku caddayn doonno khariidado aad badda soo gasheen, qoraallo aqoonyahankiinna warmaqabka ahi ku waabay shabakadda Internet-ka ayaan qoraalkan ku lifaaqi doonnaa, haddii Allaha awoodda lihi oggolaado. Waxad kaloo maqli kartaan hadalladii Saleebaan Xagla toosiye, oo ah wiil yar oo aan khibrad taariikheed lahayni kaga hadlay Minneapolis, Minnesota.
Walaalayaal dalku markuu burburay wuxu ka koobnaa 18 gobol. Gobolka Sool oo aad ogtihiin inaan wada degno, gaar ahaan Damalla Xagarre iyo dhulka magacan leh ee soolasha, iyo nugaasha hoose qaarkeed, waa carra Warsangeli, haddana saas oo ay tahay ma maqasheen annagoo leh Gobolka Sool annagaa leh? Jawaabtu waa markhaati ma doonto. Waxan kale oo idin xasuusinaynaa in dadka Hartigu isku dhafan yahay: tusaale, Majeerteen iyo Warsangeli Gobolka Bari way wada degaan. Gobolka Nugaal Dhulbahante iyo Majeerteen waa wada degaan. Saasoo ay tahay, Gobolka Nugaal oo aad ka degtaan dhul badan, ma sheegataan, bal adba? Sababtuna waa wadarta ayaa Majeerteen ah, saasaan u fahannay. Dhanka kale, Gobol Cayn la yiraahdo dawladdii Maxamed Siyaad kama tegin, sidaa awgeed maddaaba aad degmo weyn (Buuhoodle) aad Togdheer ku leedihiin, dhul ahaanna Gobolka Togdheer aad badi lahaan jirteen, ladinkase qaaday, waxa wacnaan lahayd inaad sheegataan Gobolka Togdheer. Tusaale, halkaad SSC ka leedihiin waxaa ka wacnaan lahayd: Sool, Togdheer iyo Nugaal, taasaana macquul ah.
Tan labaad ee dareenka nagu dhalisay waxa weeye, horta sidii aad halgankii daraawiishta oo aad askar uun ka ahaydeen, hoggaankeedana la idiin ka badnaa, oo aan abbaan duulayaashii ugu caansanaa ka xasuusto Nuur Xaashi (Warsangeli), Abshir Dhoorre (Majeerteen), Maxamed Cabdulle Xasan (Ogaadeen), aad idinka oo la ogayahay in badhkiin Maxamuud Cali Shire ciidankiisa ahaa, qaar Boqor Cismaan la joogeen, Qaar carra Isaaq la jireen, ayaad keligiin ku dooddaan daraawiishi annagay ahayd. Buugga Taariikh Daraawiisheed ninka qoray ee Aw-Jaamac Cumar Ciise, inuu idinka yahay, dawladdii Marreexaan ee aan taariikhda dhulkeenna aqoonina idiin shaabbadaysay, maaha taariikhdii saxa ahayd ee daraawiisheed. Taariikhdu dib bay isu qortaaye, maanta tii mid la mida ayaa meesha ka muuqata.
Taas waxan u soo qaadanaynaa, halganka aynu kula jirro Dirta Waqooyi, horta yaa gacanta weyn leh? Ma Warsangeli mise Dhulbahante? Taas waxa ka jawaabay oday Habar Yoonis ah oo Cabdullahi Muuse la yiraado: Shir dhawr sano ka hor ka dhacay magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa isugu yihimid Warsangeli, Muusa Ismaaciil, Habar Jeclo, iyo qolyo ka mida Naallaye Dhulbahante Guro oo Warsangeli ku dhex noolaa weligood. Shirku wada xaajood buu ahaa, haddii la isa su’aalay odayaashii Dhulbahante mid ka mida ayaa yiri: horta Isaaqow sidii aynu isu dirirnay ma heshiine, aynu marka hore heshiinno. Caaqil Cabdullaahi Muuse (Muuse Ismaaciil) ayaa ugu jawaabay, horta yaa isdiley? Jawaabtii buu raaciyoo wuxu yiri: “annagu Warsangeli ayaannu isdirirnay, waana heshiinnay, laakiin idinku waataad dhulka ka cararteen, oo qaarkiin Warsangeli daba maray, qaarna xera Majeerteen u dawaday, markaa horta innaga colaadi ina ma dhex taale qabso, wixii is dirirayna beri horay heshiiyeen oo wixii maxaabbiis, magdhaw, shafshafo iyo shifo la kala qaatay waa qoran yihiin. Intaa ka dib, shirkii halkii buu ka socday, odayaashiinnii waxay ku hadlaan bay garan waayeen, goob joogna waa loo wada ahaa. Waana run oo sagaashameeyadii markii dawladdii dhexe dhacday oo dagaal ka huray Sanaag, xoogaagii Dhulbahante ee maganta noo ahaa, waxa nagu soo haray Bah Riighaye oo hooyadood Warsangeli tahay, intii kale waa cararteen, qaarkiin Buraan iyo Buuraha Bari salkiisa ayaad u guurteen, oo Warsangeli badi waaba ka shisha marteen. Dagaalladii ka dhacay Damalla Xagarre, Ceerigaabo, Xingalool, Hadaaftimo, Carmaale, Shimbiraale, Biyaguduud, Jiidali, Yubbe iyo goobo badan intaaba waxay u dhexeeyeen Warsangeli iyo Isaaq. Taas xataa waxa qiraya cadawgii aynu ishaynay laftooda. Markii la idin ku soo duulay xagga Laascaanood oo magaaladii idiin ku weynayd duhur la idin ka qabsaday, illaa maalintaa hiil iyo hoo baan idin la garab taagnayn, cid aan Warsangeli ahayn oo Dhulbahante rabtaa Soomaali waa laga la’ayahay illaa yowminaa haadaa. Waannaga Warbaahinta, waxsiinta u dhiidhiga iyo hadday gacan saar tagtaba idiin diyaar ah. Idinkuna waxad noogu abaal guddeen inaad magacayaga aastaan, dhulkayaga sheegataan, maabab been abuur ah adduunka marisaan. Waxan walaalayaal idin leennahay ‘Dhulu Dhiciinna Hubsada.” Mase waa taariikh dib isu qoraysoo sidii tii daraawiisheed baad rabtaan inaad Soomaali berri ugu faantaan annagaa Soomaali inay kala go’do ka hor istaagiddeeda lahayn? Su’aashaas jawaabteed idinkaan idiin daayey.
GEBGEBO IYO GUNAANAD:
Waxaasoo canaan ah waa wanaag iyo kalgacaltooyadii walaalnimo ee aan weligiin idiin haynay, idinkase la idin ka waayey. Waxan idiin soo jeedinaynaa, inaad ka waantowdaan sheegashada Dhulka Walaalihiin, idinkoo kiinnii xoog lagu haysto, sidoo kale ka been sheegidda taariikhda joojiya oo wiilashiinna dadka sii kala fogaynaya talo u qabta, haddii kale waxa rumoobaya hadalkii Faarax Galoollay oo ahaa “Dhulbahante Faan buu ka dhergey, Marreexaanna Askar, nin waliba dhereg.
Qoraallada, muuqaallada, iyo khariidadahan waa wax idinka idin ka soo baxay, intiinnii weliba lagu tebayey aqoonta iyo garashada. Cadow waxaynu kaga guulaysan karnaa innagoo wadara oo kala libin sheegan, waxannu diyaar idiin la nahay inaannu meel walba idin kula dhimanno, ilaahayna ha idin garansiiyo dariiqa tolnimada, hana idin mideeyo waad kala daadsan tihiine.
Wax Garadka Beesha Warsangeli






