Page 1 of 1

kkkkk Puntland Sidee loo qaybsaday Xubnaha Deeganka Badhan

Posted: Mon Mar 14, 2011 12:50 pm
by mashallahbro
Heshay Liiska Sida loo Qaybsaday Golaha deegaanka Degmada Badhan-Waxaa mudo lagu hawlanaa dhismaha golayaasha Deegaanada Gobolka Sanaag, Hawsha lagu dhisaayo Golaha Deeganka ee Degmooyinka Gobolka ayaa waxaa gacanta wafti ka tirsan Dowlada Puntland oo u Hogaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Hormarinta Reermiyiga Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir, Waxaa kale oo kuwaheliya Safarkan lagu dhisaayo Golaha Deeganka Dowlada Wasiirka ku-xigeenka ee Dakhliga Maaliyada Maxed Cabdullahi Bootan, Wasiir Ku-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Abshir Siciid Saalax, Wasiiru Dowlaha Amniga Cali Saalax Xamari iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Col. Siciid Maxed Saalax Goroyacawl, iyo Faadumo Jibriil oo Lataliye ka ah Wasaarada Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Hawlwadeenadan ayaa mudo labo asbuuc ka badan ku hawlanaa siday gole Deegan uga hirgalin lahaayeen Degmooyinka Gobolka, Hadaba side loo qaybsaday Golaha Deeganka Badhan .
Haddaba, Shirar badan ka bacdii Wasiirada Dowladu ay la yeesheen Beelaha ayaa odayaasha dhaqanka ee Beelaha u gudbiyeen 27 Xubnood oo uu ka koobnaan doono Golaha Deeganka iyo Sharciga, Xeerarka iyo Shuruudaha lagu soo xulanaayo.

Waxaa soo baxaysa in Odayaasha Dhaqanku soo qaysabeed Xubnaha Golaha Deeganka, Sidan Hoos ku qoran

Reer Maxed Naalaye 3
Reer Yuusuf 1
Adaan Siciid 4
Nuux Cumar 2
Hinjiye 1
Muxumud 1
Bah Ogayslabe 2
Warlabe 2
Reer Salaax 3
Ogayslabe 2
Reer Faatax 2
Dir 1
Xuseen Ciise 1
Jibriil Siciid 1

Axmed Cumar 1




Sidaas waxaa ku dhan Golaha Xubanaha Deegaanka.

Haddaba, Beelaha aan soo galin golaha deeganka waxaa ka mid Beesha Gubooye/Madhibaan, waxaa kasoo baxday cabasho ku saabsan arrintan, sidoo kale waxaa jira beela aan ku kalsoonayn xubnaha ay helaan, wixii kasoo baxa waan Idinla socodsiin Doona.

Xidhiidh ay Shabakada GalGalanews la samaysay Maamulka ku sugan Badhan waxa Naloo sheegay in Odayaasha beelaha ay soo dhamaystireen xubnaha Golaha deegaanka isla markaana Maalinta Bari ah Toos loogu dhawaaqayo Golaha deegaanka Degmada Badhan.

Miiska Wa Wararka

Re: kkkkk Puntland Sidee loo qaybsaday Xubnaha Deeganka Badh

Posted: Mon Mar 14, 2011 12:50 pm
by mashallahbro
kkkkkkkkkkkk moohmud 1 kkkkkkkk