Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

some of somalia citizen back from yeman

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

some of somalia citizen back from yeman

Postby FBISOMALIA » Sat Mar 19, 2011 10:54 am

Image

Dekedda magaalada Bossaso ayaa waxaa maanta kasoo degay 61-qof oo kasoo noqday dalka Yemen oo ay muddooyinka mudaharaaddo rabshada wataa ka jireen.

Dadkan oo kamid ahaa Soomaalida muddada ku noolayd dalka Yemen ayaa sheegay in ay kasoo carareen dhibaatooyinka ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay Soomaalida qaxooti ahaanta u jooga dalkaasi.

Abuukar Cabdicasiis Cismaan oo kamid ahaa dadkaasi dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in dhibaatooyin badani ku haystaan dalka Yemen dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaasi.

Image

Waxa uu intaasi ku daray in shacabka Yemen ay dadka Soomaalida ah ku eedeeyeen in ay qayb ka yihiin dadka dhibaatada ka wada dalka, taasina ay keentay in Soomaalida Yemen uu cadaadis xooggan uga yimaada dhanka shacabka ay la noolaayeen.

“Waxaan uga soo cararnay dalka Yemen dhibaatooyin ay kamid yihiin nolol xumo, amni darro, xorriyad la’aan, caburin, khal khalgelin siyaasadeed oo dalka ka bilowday iyo kuwo kale oo badan”, sidaasi ayaa waxaa yiri Abuukar Cabdicasiis Cismaan oo kamid ahaa dadka kasoo laabtay dalka Yemen.

Image
Maxamuud Jaamac Muuse oo ka socday hay’adda MRC oo aan kula kulanay gudaha dekedda ayaa waxa uu sheegay in dadka Bossaso soo gaaray ilaa 25-tii Janaury ay yihiin 255 oo qof.

Waxa uu intaasi ku daray in hay’adda MRC ay dadkaasi ka caawiso soo dhoweynta iyo u qaybinta cuntada fudud, biyaha iyo dawooyin la siiyo inta kusoo xanuusata safarka badda.

Dadkan ayaa inta badan dhinac ka gala magaalada iyada oo aanay jirin cid si toos ah u gacan qabata marka laga reebo qaar ay ehelkooda magaalada joogaan.

Wixii ka dambeeyey bilowgii rabshadaha dalka Yemen waxaa is isdaba joog ah usoo qul qulaayey dadka kasoo guuraaya dalka Yemen ee dib ugu soo noqonaaya gudaha Puntland kuwaasi oo qaarkood ay uga sii gudbaan dalka intiisa kale.

Horseed Media

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests