Gaalkacyo(Puntlandi.com):-Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid maxamad Xirsi ayaa Tacsi udiray Dhammaan Qoyskii qaraabadii ,Eheladii,Asxaabti iyo Xildhibaanadii uu ka geeriyooday Xildhibaan Cabdulaahi Khaliif xaashi Carab Buro oo kamid ahaa Mudanayaasha Baarlaanka Puntland.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Xildhibaanku uu kamid ahaa Mudanaaysha ugu da’ada wayn Baarlamaanka uguna macquulsanaa.
Cabdirashiid maxamad Xirsi Gudoomiyaha Wakiilada Puntland ayaa xildhibaanada uga tacsiyeeyay isaga o ku hadlaya afka golayaasha Dowlada.
Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdulaahi Khaliif xaashi Carab Buro waxaa u ku geeriyooday magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ,waxaana la sheegay inuu dhawaanahan la bukay xanuun soo wajahay.



