Ceelkii Degmada Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar Maanta Jabay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Ceelkii Degmada Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar Maanta Jabay

Post by FBISOMALIA »

Ceelbiyoodkii degmada Rako-Raaxo ee gobolka Karkaar ayaa maanta jabay waxaana arrintaasi walaac xooggan ka muujiyey kumanaan dad ah oo biyaha ceelkaasi ku noolaa.

Guddoomiyaha degmada Rako-Raaxo Faarax Maxamuud Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saaka waaberigii lagu warhelay in ceelku jabay, taasina ay noqotay mid ay siweyn uga naxeen dad badan oo kolkaasi ceelka dul joogay meelo fogna biyo kasoo doontay.

Waxa uu intaasi ku daray Guddoomiyahu in aan la garanayn sababaha uu u jabay ceelku, hase yeeshee waxaa loo malaynaayaa in ay istaageen biraha hoose oo muddo ka badan 20-sano aan la dayactirin.

Faarax Maxamuud Ibraahim waxa uu Dawladda Puntland iyo hay’adaha ka codsaday in gargaar lala gaaro dadka ay biyo la’aanta darani soo foodsaartay ee degmada Rako-Raaxo iyo deegaano badan oo biyaha kasoo raadsan jiray.

Guddoomiyahu waxa uu tilmaamay in degmada ay hadda biyo ugu dhow dahay magaalada Qardho oo u jirta 95-km, waxaana uu intaasi ku daray in badan oo isugu jiray xoolo dhaqato iyo dadka magaaladu ay ku noolaayeen biyaha ceelka, haddana aanay garanayn meel ay ciirsadaan.

Dhibaatada gaartay ceelkii biyaha siin jiray degmada Rako-Raaxo iyo deeganada kale ee biyaha la cabi jiray ayaa kusoo aaday xilli ay dalka ka jiraan abaaro ba’an waxaana u sii raacay biyo la’an.

Horseed Media.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”