Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Waftigii Puntland iyo Hay'adaha Caalamiga booqdey Jariiban

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Waftigii Puntland iyo Hay'adaha Caalamiga booqdey Jariiban

Postby FBISOMALIA » Mon Mar 21, 2011 10:49 pm

Jariiban:(Allpuntland)-Wafti balaaran oo isugu jira Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland iyo Hay’ada UNFPA ayaa todobaadkii lasoo dhaafey waxay booqasho wadajir ah oo 2 cisho ah ku tageen Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug. Waftigu waxay tageen Degmada Jariiban Arbacadii hore (16-Maarso-2011).

Booqashadii Bali-Busle

Waftiga wada jirka ah ee isugu jirey Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay’ada UNFPA uuna hogaaminayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka dowlada Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xasan ayaa safarkooda Degmada Jariiban ku wajahnaa waxay ka bilaabeen Tuulada Bali-busle oo 90 km dhinaca bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo kalabartana Gaalkacyo iyo Jariiban. Waftigu waxay booqdeen MCH-ka Bali-busle oo ay gacanta ku hayo Ururka Bisha Cas waxaana halkaas waftiga warbixin kooban ku siiyey madaxa MCH-ka ee Bali-busle isagoona sheegay in shaqada MCH-ku ay tahay mid balaaran iyadoo ay fuliyaan adeegyada MCH-yada loogu talagalay, shaqaalaha ka shaqeeya MCH-ka Bali-busle ayaa dhamaa 3-qof kuwaas oo aan ku filnayn shaqada ay bulshada Bali-busle.

Gudoomiyaha Bali-Busle Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) iyo qaar ka mid ah Odayaasha Bali-busle ayaa waftiga kula kulmey isla MCH-ka waxaana ay ka warbixiyeen xaaldaha Caafimaadka iyo abaarta ee deegaanka Bali-busle waxaana uu gudoomiyaha Bali-busle sheegay in xaalada caafimaadku ay liidato dadkuna ay caafimaad wixii ah u aadaan Magaalada Gaalkacyo marka laga reebo talaalada oo uu MCH-ku qabto, dhanka abaarta waxa uu sheegay inay daran tahay deegaanka Balibuslena ay ku nool yihiin 2500 oo qoys qiyaas ahaana uu ku sheegay 5000 (Shan kun oo qof) dadkaas ayuu sheegay in biyo la’aan baahsan ay soo wajahdey bishan kadib markii uu jabay Matoorkii ugu biyaha badnaa ee Bali-busle culeyskiina uu fuuley ceelkii kale oo awalba biyo badan aan lahayn sida uu gudoomiyuhu sheegay, caafimaadka xagiisa gudoomiyaha iyo odayaasha Bali-busle waxay sheegeen in dadka ay ku adag tahay inay Gaalkacyo aadaan iyadoo wadaduna ay tahay mid aad u liidata kuna adag bukaanda qaarkood in la marsiiyo sida hooyada uurka leh.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Madaxa hay’ada UNFPA Puntland ayaa odayaasha iyo maamulka Bali-busle u sheegay inay u wadeen gabar soo dhamaysatey koorso caafimaad oo sanad iyo lix bilood ahayd ayna iska kaashadeen wasaaradda caafimaadku gabadhaas oo loo soo tabobarey Bali-busle ayaa agaasimaha guud waxa uu ka shaqo galiyey MCH-ka Bali-busle waxaana arintaas soo dhaweeyey Maamulka iyo Odayaasha Deegaanka Bali-busle kuna tilmaamay waxqabad balaaran iyagoo codsadey in shaqaalaha caafimaadka loo kordhiyo si ay ugu filnaadaan baahiyaha caafimaadka ee Deegaanka.

Booqashadii Jariiban

Markii ay waftigu ka anbobaxeen Bali-busle waxay sii mareen Tuulooyinka Buubi iyo Seemade oo iyaguna abaartu ay hayso waxaana wadada hareeraheeda aanu ku arkeynay xoolo faro badan, aragtida isha ee xuuluhu may xumeyn hayeeshee biyo la’aanta jirta ayaa ahayd mid aad u daran oo xoolaha haraadku wuu ka muuqanayey, wadada waxaa nagu dhaafayay booyado biyo wada ama raadinaya kuwaas oo baadiyaha ku wareegaya una dhaaminayay dadka iyo xoolaha, meelaha qaarkood wadada dhinacyadeeda waxaa yaaley baco dhulka la warey oo ay booyaduhu biyaha ku shubaan si xoolaha iyo dadku ay uga cabaan.

Magaalada Jariiban waxaanu galney 2-dii galabnimo maalinimadii Arbacada anagoo jidka Gaalkacyo iyo Jariiban u dhaxeeya kusoo jirney 8 saacood kaliyana waxaan ku hakanay Bali-busle, Jariiban iyo Gaalkacyo waxay isu jiraan masaafo dhan 180 km jidkuna waxa uu ahaa mid aad iyo aad u qalafsan oo ay maristiisu ahayd mid adag.

Waftiga waxaa Degmada Jariiban kusoo dhaweeyey gudoomiyaha degmada Jariiban C/kariim Sh-Maxamuud Keytoon, xubno ka tirsan golaha deegaanka ee Jariiban iyo odayaasha waxaana waftiga la dajiyey guri horey loogu diyaarshey. Waftiga uu hogaaminayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku waxay isla galabnimadiiba kormeer ku tageen MCH-ka Degmada Jariiban waxaana halkaas kulan ku qaatey Maamulka Degmada, Odayaasha, Shaqaalaha MCH-ka iyo Waftiga Wasaaradda iyo UNFPA isugu jira. Kulankan oo uu xiriirinayay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka C/risaaq Abshir Xirsi waxaana uu masuulkani sheegay in wasaaradda caafimaadka iyo hay’ada UNFPA inay u yimaadeen Degmada Jariiban sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada dhabta ah ee dhanka Caafimaadka ee Degmada Jariiban iyo in laga hirgaliyo qeybta dhalmada oo ay taageerayso Hay’ada UNFPA qeybtaas oo isla MCH-ka Degmada Jariiban lagu soo kordhinayo lana balaarinayo shaqada uu qabanayo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xasan oo halkaas ka hadley ayaa sheegay in waftiga Wasaaradda Caafimaadka iyo UNFPA ay u yimaadeen Jariiban sidii ay u hirgalin lahaayeen qeybta dhalmada ee MCH-ka iyadoo uu sheegay agaasimuhu in hay’ada UNFPA ay diyaar la tahay inay Degmada ka caawiso qalabka dhalmada iyo daawada si loo badbaadsho hooyada uurka leh. Agaasimuhu waxa uu ka warbixiyey qorshaha Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ee sanadkan isagoo halkaas ka sheegay in Wasaaraddu ay sanadkan wax ka qabanayso Caafimaadka degmooyinka iyo Tuulooyinka laamiga ka baxsan oo ay Jariiban ka mid tahay, Degmada Jariiban ayuu agaasimuhu sheegay inay ka hirgalinayaan oo ay ka furayaan bartamaha sanadkan Xarunta lagu daaweeyo cudurka qaaxada taas oo ay wasaaraddu qorshaheeda ku jirto safarkanna uu u yahay qeyb indho indheyn ah xarunta TB-da.

Wakiilka Hay’ada UNFPA ee Puntland Dr. Saciid oo shirka ka hadley ayaa isaguna sheegay in UNFPA ay timid Puntland 4-sano ka hor ayna xooga saartey inay tabobaro u samayso shaqaalaha MCH-yada Puntland ayna isku xirto MCH-yada iyo Isbitaalada. Dr. Saciid waxa uu sheegay wadadii rafka ahayd ee qalafsanayd ee uu soo marey inay ahayd mid dhib badan oo aan la marsiin Karin hooyo dhalaysa oo xaalad adag ku jirta isagoo Dr. Saciid intaas ku sii darey in UNFPA ay u keentey MCH-ka Jariiban daawo iyo agabka hooyada lagu dhaliyo taasna ay hordhac u tahay waxqabadka ay hay'ada UNFPA la doonayso shacabka degmada Jariiban.

Masuulkan u Hadley UNFPA waxa uu tibaaxay in UNFPA ay qorsheysay inay degmooyinka xaaladooda caafimaad wax ka qabato gaar ahaan dhinaca hooyada iyo dhalaanka, isagoo sheegay in qorshahan oo tijaabo ah in Degmada Jariiban ay noqotey meesha nasiibka uheshay qorshahan tijaabada ah. Wasaaradda caafimaadka ayuu sheegay Dr. Saciid inay iska kaashanayaan arimo badan oo dhinaca Caafimaadka ah. Sidoo kale Dr. Saciid waxa uu sheegay inay tabobaro u samayn doonaan shaqaalaha Caafimaadka ee Jariiban ayna usoo tabobareen hal gabar taas oo soo qaadatey koorso sanad iyo bar ah laguna baranayay qaabka ugu hagaagsan ee hooyada uurka leh loo badbaadsho oo loo dhaliyo iyadoo wixii dhalmadoodu ay khatar noqotona loo gudbin doono Isbitaalada wax ka qaban kara sida Isbitaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Degmada Jariiban C/kariim Keytoon ayaa Waftiga Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’ada UNFPA waxa uu uga mahadceliyey booqashada wuxuuna si kooban uga warbixiyey xaalada degmada Jariiban oo uu sheegay inay yihiin kuwo aad liita isagoo sheegay inaan wax hormar ah oo dhinaca arimaha bulshada ahi uusan degmada ka jrin isagoo sheegay in dawlada Puntland ay ka gaabisay inay wax ka qabato xaaladaha degmada Jariiban ee Gobalka Mudug.

Keytoon waxa uu sheegay dhanka Caafimaadka ay degmadu aad u hooseyso aysana lahayn degmadu Isbitaal dadka xanuusadana loola cararo magaalada Gaalkacyo isagoo sheegay in MCH-ka degmadu uu ku filan yahay oo kaliya Talaalada caruurta iyo hooyooyinka. Degmada ayuu sheegay inay u baahan tahay waxqabad dhinacyo badan oo Caafimaadku ka kow yahay wuxuuna soo dhaweeyey qorshaha wasaaradda caafimaadka Puntland ay ugu soo jeesatey Jariiban iyo xarunta TB-da ee degmada lagu soo kordhinayo, sidoo kale Keytoon waxa uu soo dhaweeyey doorka hay'ada UNFPA ee Degmada Jariiban. Gudoomiyaha Degmada Jariiban waxa uu cadeeyey in Waftiga Wasaaradda Caafimaadka iyo UNFPA uu yahay kuu ugu balaarnaa ee yimaada Degmada isagoo madaxdii waftiga u balan qaadey wadashaqeyn dhaw iyo inay garab taagan yihiin waxqabadka ay degmada ka samaynayaan.

Dhanka amaanka waxa uu Keytoon sheegay in Degmadu aysan lahayn Saldhig ciidan oo la taaban karo iyo ciidanba waxaana uu tibaaxay in shacabku ay diyaar u yihiin amaanka inay ka shaqeeyaan laakiin doorka dawlada, Burcad badeeda xeebaha Jariiban ku sugan ayuu duqa Jariiban sheegay inay hada intoodii badneyd isaga tageen kadib markii maamulku uu wacyigalin badan u sameeyey shacabka kadibna nala dagaalamay oo ay shacabka iyo waxgaradku ku kaceen kooxahaasi isagoo sidoo kale gudoomiyuhu sheegay in dhalinyaro badan ay ka baxdey burcad-badeednimadii kadib markii laga wacyigaliyey loona sheegay inay xaaraan tahay in la dhaco gaadiidka badda.

Dhanka abaaraha degmadu waxay ku jirtaa xaalad biyo la'aaneed oo daran xaaladaas oo laga dareemayay gudaha Jariiban iyo tuulooyinka aanu marnayba, waftigu waxay intii ay joogeen Jariiban booqdeen Ceelka caanka ah ee la yiraahdo CEEL GOWS oo ku yaala bartamaha magaalada Jariiban, xiliga aanu ceelka booqaney oo ahaa xili qoraxdu hoobatey oo gabal dhac ah ah waxaana markaas Ceelka oo dusha ka bannaan ku jirey afar booyadood, Ceelku matoor maleh laakiin booyaduhu waxay isticmaalayeen tuubooyin dhaadheer oo ay ceelka mid walba gaarkeeda ugu ridatey dabadeedna waxaa biyaha soo qaadayay matooro yar yar oo ay booyaduhu u isticmaalayeen tuubooyinka si ay biyaha kor ugu soo qaadaan. Afartaas booyadood ka sokow waxaa ceelka iyana ku sugnaa booyado kale kuwaas oo iyaguna kaalinka ku jirey oo sugayay meel ay ka dhaansadaan, biyaha CEEL GOWS oo ay tuulooyin badani ku nool yihiin biyihiisa maahan kuwo nadiif ah waxaana biyaha dushooda ka muuqdey nadaafad daro oo waxaa banaanka ceelka yaaley digo aad u tiro badan oo ay dhigeen xoolaha laga wareebiyo. biyahaas wasakheysan ee ay dadka iyo xooluhu cabayaan ayaa ah kuwa kaliya ee lagu nool yahay waxana buro la sidaa hadiiba biyahaas la sii helo oo ay gurin hadaan raxmad eebe oo deg deg ah la helin.

Degmadan oo ah mid balaaran ayaan lahayn biyo galin si ay dadku u helaan biyo nadiif ah waxaana arintaas ka gaabiyey hay'adaha dawlada u qaabilsan dhanka biyaha iyo hay'adaha caalamiga ah ee biyaha ka caawiya dowlada Puntland. Sikartaba ha noqotee Jariiban waa magaalo qadiimi ah in xaaladeeda wax laga qabtona waa mid u taal shacabka degmadaas iyo dowlada Puntland waxayna shacabku la daalaa dhacayaan biyo la'aan baahsan iyadoo maamulka degmadu ay sheegeen in xaalada biyuhu ay tahay tan ugu khatarsan iyagoo carabka ku dhuftey inay dad iyo duunyaba ay qarka u saaran yihiin halis hadaan biyo lala soo gaarin inta bishan lagu jiro amase aan dhibic roob lehin ayna xaaladu tahay allow sahal amuuraha.

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Waftigii Puntland iyo Hay'adaha Caalamiga booqdey Jarii

Postby FBISOMALIA » Mon Mar 21, 2011 11:15 pm

Image

Image
Bali Busle MCH

Image
Agasimaha guud iyo maamulka Balibusle

Image

Image
Gudoomiyaha Jariiban iyo Waftiga

Image
Agasimaha guud Dr.Abdirisaq midig iyo Dr. Saciid bidix

Image
Daawada UNFPA ay geysay MCHka Jariiban

Image

Image

puntland building and helping jariiban good step i hope they continued in every remote puntland village :up:

Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: Waftigii Puntland iyo Hay'adaha Caalamiga booqdey Jarii

Postby Pwani » Tue Mar 22, 2011 7:30 am

good news..the people there really need huge help from the admin,there is severe drought in the entire state and people are risky of losing life..people living those kinda areas never had a puntland delegation visit them. :up: and Fbi thanks for the hourly news update :up: :up:

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Waftigii Puntland iyo Hay'adaha Caalamiga booqdey Jarii

Postby FBISOMALIA » Tue Mar 22, 2011 10:12 am

good news..the people there really need huge help from the admin,there is severe drought in the entire state and people are risky of losing life..people living those kinda areas never had a puntland delegation visit them. :up: and Fbi thanks for the hourly news update :up: :up:
indeed puntland is becoming more more good government that all puntlander wants good job faroole :up:

Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: Waftigii Puntland iyo Hay'adaha Caalamiga booqdey Jarii

Postby Pwani » Tue Mar 22, 2011 10:25 am

good news..the people there really need huge help from the admin,there is severe drought in the entire state and people are risky of losing life..people living those kinda areas never had a puntland delegation visit them. :up: and Fbi thanks for the hourly news update :up: :up:
indeed puntland is becoming more more good government that all puntlander wants good job faroole :up:
:up: :D 8-)


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests