Garowe(puntlandi.com);- Wasaarada Dalxiiska Deegaanka iyo Duurjoogta Dawlada Puntland ayaa sheegtay in ay wado qorshayaal ku wajahan hormarinta wasaarada.
Wasiir ku xigeenka wasaarda Burhaan Cilmi ayaa sheegay dhulka Puntland yahay dhul bilic qurxoon kuna yaalaan deegaano loo dalxiistagi karo kuna suganyihiin duurjoogta noocyadeeda uga qaalisan.
Wasiirka ayaa sheegay in dhulka Puntland laga helayo ogaarta noocyo kadabargo’day somaliya inteeda kale gaar Libaax iyo kuwa kale.
“Wasaarada waxaa ay wadaa qorshayaal aad umuhiima kuwaa oo ay kamidyihiin in la sameeyo goobo aad ubaaxadwayn oo loo soo dalxiistago iyo in la dhiirigaliyo mulkiilayaasha goobaha aadka u qorxoon ee kuyaala deegaanada Puntland ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.
Waxaa uu intaa ku daray in Dawlada soo dhawaynayso dadka doonaya in ay samaystaan Hoteelo iyo goobo dalxiiska loo yimaado canshuurdhimisna usamaynayaan.



