Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

why the world stop puntland marines project ...???

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

why the world stop puntland marines project ...???

Postby FBISOMALIA » Sat Mar 26, 2011 11:55 am

Waxaa soo baxaya xogta ku saabsan cadaadiskii caalamiga ahaa ee Dowlada Puntland uga yimid dhanka beesha Caalamka oo ku aadan in la joojiyo tababaradii ay waday shirkada Sarancen ee dhismaha ciidamada kahor taga Burcad Badeeda.

Dhismaha ciidamadan ayaa qeyb weyn ka ahayd dadaalka ay Dowlada Puntland ku dooneysay sidii ay u yeelan lahayd ciidamo awoodleh oo wax ka qabta dhanka bucad badeeda oo si weyn u saameysay caalamka gaar ahaan xeebaha deegaanada Puntland.

Kadib markii ay soo baxday in heshiis uu dhexmaray Dowlada Puntland iyo shirkada Sarancen kaasi oo ku aadan dhismo ciidamo la dagaalanka Burcad Badeeda, kuwaasi oo xarun loogu sameeyey duleedka magaalada Bosaaso.

Waxaana jiray qalab iyo gaadiid badan oo ay shirkadan keentay magaalada Boosaaso si loo bilaabo qorida ciidamada iyo tababarada, waxaa sidoo kale la xasuustaa diyaaradii ay Somaliland qabsatay taasi oo kusoo jeeday Bosaso una rarneyd shirkada Sarancen, diyaaradaasi ayaa siday qalab kala gedisan oo loogu talo galay tababarada ciidamadan.

Wararka Horseed Media ay ka helayso illo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ay iska kaashadeen in la joojiyo ama la hakiyo heshiiskii u dhaxeeyey Puntland iyo shirkada Sarancen.

Sarancen ayaa horey ulla heshiisay inay ciidamo ka badan 1000 askari u tababarto dowlada Puntland, waxaa sidoo kale jiray heshiisyo ay isla shirkadaasi ulla gashay Dowlada Federaalka Kumeel Gaarka, heshiiskaasi oo asagana burburay.

Maraykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay ayaa ayagu si gaar ah walaac uga muujiyey tababarada ay Sarancen ka waday Puntland, xubno kamid ah Diblumaasiyiinta Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay inay sheegeen in ciidamada bada ee Puntland noqon karaan kuwo awood badanleh isla markaana ka qeyb qaadan kara ama loo adeegsan karo dagaalada u dhaxeeya maamulada ka jira Soomaaliya iyo dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya.

Shirkada Sarancen madaxeeda hawlgalada Mr. Lafras Luitingh ayaa asagu sheegay in hawlihii ay ka wadeen Puntland hakad la geliyey bishii Feberaayo 12keedii, isla markaana heshiiskii horey ulla galeen DFKMG la joojiyey bishii Janaayo 2011.

Joojinta hawlihii Sarancen ee Puntland ayaa sidoo kale loo aaneenayaa cabashooyin ka yimid maamulada Somliland iyo DFKMG oo u arkay ciidamada loo tababarayo Puntland inay saameyn ku yeelan karaan isu dheeli tirka Awooda xoogaga ka jira Soomaaliya, waxayna qaarkood ku doodeen inay kasoo horjeedo cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya, walow aysan jirin wax hub ah oo weli shirkadan keentay Soomaaliya inta la og yahay ay ku kooban tahay gaadiid iyo dareeska ciidanka.

Shirkada Sarancen ayaa sidoo kale lala xariirinayey shirkadii hore ee Blackwater ee ka jirta dalka Maraykanka oo ayadu ah shirkad aan dowli ahayn balse ka ganacsata dhanka tababarada ciidanka, illaalada hubeysan iyo waliba hawlgalada qarsoodiga ah.

Dowlada Puntland ayaan ayadu weli ka hadlin joojinta hawlihii ciidamada loo tababarayey la dagaalanka Burcad Badeeda xili ay khasaaro kasoo gaareen ciidamada Birmadka ee Booliiska Puntland la dagaalanka Burcad Badeeda, isla markaana lagu baaqayo ciidamo xoogan oo ka hortagi kara burcad badeeda.

Waxaan weli muuqan sida ay beesha caalamka isugu dheeli tiri karto eedeynta ay usoo jeediso in Maamulada ka jira Soomaaliya sida Puntland aysan waxna ka qaban burcad badeeda, halka ay isla beesha caalamka ay caqabad ku noqotay tababarida ciidamadii Puntland u tababari lahayd la dagaalanka burcad badeeda.

Waxaa ayaduna xusid muddan in weli Beesha Caalamka aysan kasoo bixin codsiyadii ahaa in maamulada Soomaaliya ka jira lagu gacan siiyo dhismaha xabsiyada oo ay Puntland horey u codsatay in laga taageero.

Hussein Farah
Horseed Media

Sissie cats calling for their papa :lol: :lol: :lol:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 21 guests