Maamulka gobolka nugaal ee Puntland oo kaashanaya ciidamada badda ee Puntland oo dhawaan tababaro kaladuwan soo qaatay islamarkaasna wata gaadiidka gurmadka abaaraha ayaa maalinkii labaad biyo & cunto qaybin kawada deegaano hoosyimaada degmada Burtinle ee gobolka nugaal oo kamid ah meelaha ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen ee gobolkaas.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo hogaaminaya barnaamijka qeybinta biyaha & cuntada ee gudiga abaaraha gobolkaasi ay wadaan ayaa APL u sheegey in kudhawaad 700 oo fuusto ay ka qeybiyeen deegaano hoosyimaada degmada Burtinle ee gobolka Nugaal islamarkaasna ay cuntooyin kaladuwan oo ay dawlada imaaraadku ugu talagashay abaaraha Puntland qeybiyeen,waxaana uu sheege in howshu imika ay meel wanaagsan marayso.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal wuxuu mahadcelin balaaran usoo jeediyey ciidamada badda ee Puntland oo uu sheegey in ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan howlaha biyo dhaamiska ee ay wadaan oo uu sheegey in deegaanada qaarkood biyo laga waayey ceelashoodii islamarkaasna ay meelo kale oo fogfog ka raadsheen biyaha,waxaana uu dadka dibada & jaaliyadaha dibada ugu baaqay inay qeybtooda ka geystaan howlaha la tacaalida abaaraha ee dalka sida xawliga ah uga socda.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland






