Boosaaso:(Allpuntland)-Wasiir kuxigeenka wasaarada amniga ee dawlada Puntland Cabdijamaal Maxamed Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Puntland oo mudooyinkii lasoo dhaafay si aan kala joogsi lahayn deegaanada dalka oo idil uga waday howlgalo baaxadleh oo amaanka lagu sugayo ay imika ku guulaysteen dib usoo celinta amaanka guud ee Puntland uuna marayo heerkii ugu wanaagsanaa.
Cabdijamaal wuxuu sheegey in ciidanka Amaanku ay dad badan oo amniga dalka dhibaatooyin ku hayey ay ku guulaysteen inay soo qabqabtaan cadaaladana intoodii badnayd la horgeeyey,waxaana uu intaas kudaray in ay ku guulaysteen inay dib usoo celiyaan amaanka magaalada Boosaaso oo ay ka dhici jireen qaraxyo & dilal isdabajoog ah,wuxuuna sheegey in shacabku ay qeybweyn ka qaataan dib usoo celinta amaanka dalka.
Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaarada amnigu wuxuu sheegey in ay ciidanka Puntland markasta diyaar u yihiin wax kaqabashada cidkasta oo isku dayday inay amaanka wax u dhinto,waxaana uu ka hadlay burcad badeeda oo weli kajirta meelo kooban oo kamid ah xeebaha dalka isagoo sheegey in ay Puntland diyaar utahay la dagaalanka burcada & soo afjaridooda.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland



