finally the newly trained troops are being put to work!!Ciidamada bada ee dowlada Puntland ayaa wada olole biyo dhaamin ah oo laga sameenayo gobalada Puntland.
Ciidamadan oo horey biyo dhaamin uga soo sameeyey gobalada Bari, Karkaar iyo qeybo kamid ah gobalka Mudug ayaa hada ololahan ka wada gobalka Nugaal.
Dowlada Kuwayt ayaa bixisay deeqda olalaha biyo dhaaminta xili ay abaaro xoogan ka jiraan guud ahaa gobalada dalka Soomaaliya.
Ciidamada bada ee Puntland oo dhawaan tababaro looga bilaabay xaruntooda Bosaaso ayaa markii ugu horeysay ka qeyb qaatay olole noocaan ah, ayadoo dhawaan la sheegay in la hakiyey tababaradii ay shirkada Sarencen siinaysay ciidamada bada ee Puntland.
Dadka shacabka ayaa si weyn usoo dhaweeyey ololaha loogu gurmanayo dadka reer miiyiga ah iyo deegaanada ay ka jirto biyo yaraanta baahsan.
Waxaa sidoo kale ka socda gobalada Puntland dadaalo kale oo ay wadaan Bulshada Rayidka, ganacstada iyo Culumaa’udiinka kuwaasi oo lagu doonayo in gargaar lagu gaarsiiyo dadka ku tabaaleysa miyiga iyo deegaanada fog fog ee ka tirsan Puntland.
Horseed Media

















